Muqdisho,(SONNA):- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa maanta hawlgal ka fuliyay tuulooyinka Buulo Naageey iyo Busley Daa’uud oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Hawlgalkaas ayaa lagu dilay 9 dhagarqabe oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo dhibaato ku hayay shacabka deegaanka.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa sii wadaya dadaallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, waxaana ka go’an difaaca shacabka iyo xoreynta guud ahaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisadu.
