Muqdisho(SONNA);–Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya aagga deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ee amni-darrada ka wada deegaannada ku teedsan webiga Shabeelle.
Deegaanka Xawaadley, oo hoos taga magaalada Jowhar, ayaa ah meel istaraatiiji ah oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo isku xirka tuulooyinka gobolka.
Ciidamada ayaa sameynaya baaritaanno guri-guri ah, iyagoo hubinaya inaysan jirin xubno ka tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanaya goobahaasi. Sidoo kale, waxaa la adkeeyay ammaanka waddooyinka muhiimka ah si loo xaqiijiyo badqabka shacabka iyo gaadiidka isticmaala.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in ujeeddadu tahay in la xaqiijiyo xasiloonida deegaanka, lana burburiyo fariisimaha iyo godadka ay kooxdu ku dhuuman karto.
Howlgalkani wuxuu qeyb ka yahay istaraatiijiyadda guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula dagaallamayso Khawaarijta, si loo xoojiyo amniga guud ee dalka, gaar ahaan gobollada bartamaha.