Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay fuliyay howlgal lagu beegsaday goobo bartilmaameed ahaa oo maleeshiyaadka Khawaarijtu ay kaga sugnaayeen deegaanka Jabad-godane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu dilay 29 dhagarqabe oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta.
Toddobaadkii la soo dhaafay, Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka waxa ay si xiriir ah u wadeen howlgallo lagu bartilmaameedsaday baro ay Khawaarijtu kaga dhuumanayeen deegaannada Jabad-godane, Alanleey iyo Xawaadley, oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe. Weeraradan ayaana lagu soo afjaray ilaa 135 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta.
Howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu naafeeyay Khawaarijta ayaa si cad u muujinaya burburka ku yimid abaabulka iyo dhagartii ay maalmihii la soo dhaafay ka maleegayeen deegaannada nabdoon ee dalka, taas oo qeyb ka ah dadaalka ballaaran ee lagu doonayo in gebi ahaanba looga sifeeyo Argagixisada goob kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan.