Ciidamada Israa’iil oo wata daraasiin baabuurta gaashaaman ayaa hareereeyay dhismaha Isbitaalka Ibn Sina ee daanta galbeed ,halkaasi oo ku dhow xerada qaxootiga ee Jenin.
Duqeymaha Israa’iil ayaa weli ka sii socda guud ahaan Gaza, iyadoo halis dhimasho ay ku jiraan kumanaan falastiin ah oo ku xayiran dhowr cisbitaal oo la tilmaamay in ay la so derseen biyo la’aan,cunto la’aan iyo koronto ka’aan.
Af hayeenka wasaaradda caafimaadka Gaza Ashraf al-Qudra ayaa yiri kumanaan isugu jira haween, caruur iyo bukaanno dhaawac ah ayaa halis ugu jira dhimasho iyadoo duqeymaha Israa’iil ay ku hayaan al-Shifa iyo kuwo kale.
Cisbitaalka Indonesia ee ku yaalla waqooyiga Gaza ayaa la sheegay in gebi ahaanba uu ka maqan yahay adeegga korontada,waxaana dhakhaatiirtu ay la daalaadhacayaan daweynta bukaanada aan awoodin inay daryeel ka helaan al-Shifa.
Ugu yaraan 11470 qof ayaa lagu dilay duqaymaha Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7, halka Israa’iil, tirada rasmiga ah ee ku dhimatay weerarrada Xamaas waxay maraysaa in ka badan 1200.