Raas Kaambooni, (SONNA): Ciidamada Cirka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku biiray howlgalada milateri ee ka socda deegaanada Jubbaland, kuwaas oo lagula dagaalamayo Khawaarijta.
Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada cirka ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Raas Kaambooni, halkaas oo ay ku sugnayeen saraakiil sare, oo uu ka mid yahay Taliyaha Guutada 80-aad ee Kumaandooska Gorgor, Xasan Ciraaqi.
Taliyaha ayaa sheegay in ku biiritaanka ciidamada cirka ay muhiimad weyn u leedahay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isagoo xusay in howlgalada cirka ay si weyn u fududeyn doonaan hawlgallada dhulka ka socda.
Diyaaradaha ayaa hadda ka howlgala Raas Kaambooni, halkaas oo loo diyaariyay saldhig ay ku jiraan adeegyada muhiimka ah sida keydka shidaalka, farsamayaqaanno, iyo qalab kale oo muhiim ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ku hawlanayd dib u qalabeynta iyo xoojinta ciidamada qalabka sida, iyada oo soo iibsatay gaadiid dagaal iyo diyaarado si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.