Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa xalay hawlgal qorsheysan ka sameeyay xaafado ka tirsan Degmada Warta-nabadda ee Gobalka Banaadir, iyaga oo qarxiyay laba Miino oo kuwa dhulka la galiya ah.
Miinooyinka ay qarxiyeen ciidamada Gaashaan ayaa ahaa kuwo ku aasnaa dhulka, waxayna kooxaha argagixisadu doonayeen in ay ku laayaan shacabka Soomaaliyeed.
Xaafadda Baar-ubax ee degmada Warta nabadda oo ah halka ay ciidamadu ku qarxiyeen miinooyinka ayaa waxaa laga sameeyay howlgal qorsheysan oo sidoo kale lagu bartilmaameedsaday rag la tuhun sanyahay in ay ka tirsanyihiin kooxda Al Shabaab.
Ciidamada Gaashaan ayaa inta badan waxa ay fuliyaan hawlgallada qorsheysan ee lagu beegsado maleeshiyaadka Shabaabka ka tirsan ee dhubaatada ku haya bulshada Soomaaliyeed..