Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading:  Bulshada Banaadir oo iska hurgufeysa GARANWAAGA. (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada >  Bulshada Banaadir oo iska hurgufeysa GARANWAAGA. (WARBIXIN)
MaqaalladaWararka

 Bulshada Banaadir oo iska hurgufeysa GARANWAAGA. (WARBIXIN)

By Kulane
Last updated: January 14, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Lix bilood oo dagaal adag lagula jiray Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ayaa kala kulmay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Deegaanka oo iskaashanaya jab iyo khasaarooyin fara badan, waxaana dib loogala wareegay Deegaanno iyo Degmooyin badan, kadib markii uu Madaxweynaha JFS Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo ku dhawaaqay dagaal adag oo lagu qaado Kooxda Maleeshiyaadka Arxanka daran, iyadoo durbadiiba laga soo afmeeray dhammaan Maamulka Goboleedka Hirshabeelle, gudahana loo galay Maamul goboleedka Galmudug ayaa waxaa soo ifbaxday in ay kooxdu ku soo qulqulaan Magaalada Muqdisho, si ay gabbaad uga dhigtaan, howlahoodii guracnaana uga sii wataan, balse waxaa durbadiiba loo istaagay in laga hortago inta aysan dhibaateyn Shacabka Soomaaliyeed, sidaasi awgeed ayaa maalintii Khamiista aheyd ee bisha Janaayo aheyd 12-kii ee sanadkan, ayay dadweynaha ku dhaqan Gobolka Banadir u soo banan baxeen sidii looga hortagi lahaa Shirqoolada Kooxda Khawaarijta ah.

Maalintaasi ayaa waxaa la isugu tegay Garoonka Kubadda cagta ee loogu magic daray Eng: Yariisow oo isagu ku naf waayay Qarax loogu xiray Xafiiskiisa, waxaana ka soo qeyb galay Dadweyne kor u dhaafay tiradooda 30 kun oo ruux, masuuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Gobolka Banaadir, waxaana halkaasi laga soo jeediyay Gabayo, Heeso iyo hadallo dhammaantoodu lagu hoga tusaaleynayay Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir iyo sidii ay isaga soo dhex bixin lahaayeen Dhilqaha ku dhex jira, isla markaana isaga hurgufi lahaayeen, waxaana ugu dambeyntii fagaarahaasi Khudbad aad u nuxur badneyd ka jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay bannaan-baxa bulshada Caasimadda Muqdisho ay kaga soo horjeedaan argagixisada Al-shabaab ayaa xusay in gumaadkii iyo mahadhooyinkii ay khawaarijtu u geysteen shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in qaraxyadii Hotel Shaamoow, Hargaha iyo Saamaha, Soobbe1 iyo Soobbe 2, Ex-Koontaroolkii afgooye iyo gumaad-wadeerdyo badan oo argagixisadu ay ku gumaadeen arday, culimmo, haween, dhakhaatiir iyo haldoor badan oo Soomaaliyeed oo waxtar u lahaa dalkeenna, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yiri:-“Shabaab waa Kalluun ay biyihii ka gureen, waxa ay ku dhex dhuumanayeen shacabka Soomaaliyeed, iyagiina waa diideen oo intaas ka badan uma dulqaadan karaan gumaad, baad iyo cabburin. Nimankan Al-shabaab ah ilaa aad iska dhiciso kuuma arkayaan dad in aad tahay ee waxay kuu haystaan badeecad yar oo iyagu leeyihiin in aad tahay.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay duruufaha amni ee u gaarka ah Caasimadda Muqdisho iyo dadaalka dowladdu ay ku bixinayso sidii ay nabad iyo xasillooni ugu noolaan lahaayeen bulshada caasimadda ayaa ku boorriyey baraarugga ay muujiyeen ee ka dhan ah argagixisada Al-shabaab iyo garab istaagga halganka xoreynta dalka, wuxuuna kula dardaarmay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo dadka Caasimadda in ay la shaqeeyaan laamaha amniga, soona gudbiyaan xogta argagixisada ku dhex dhuumaaleysanaysa guryahooda iyo ganacsiyadooda, si looga hortago gumaadka iyo falalka arxan darrada ah ee khawaarijtu ay soo maleegayaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka inay gacan ka geystaan sidii loo soo saari lahaa xubnaha ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee uu ku sheegay inay yihiin ‘dhiqlaha.’, isagoo xusay in ay iska hurgufaan, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa raaciyay “Dadku waa ay ka daaleen gumaadka, dilka iyo dembiyada nooc kasta leh, waxayna hadda u sheegayaan Al-Shabaab, “Intaas ka badan uma dul qaadan karno,” ayuu raaciyay Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab wax yar kadib markii uu xafiiska la wareegay bishii May ee sanadkii hore.

Masuuliyiintii ka hadlay arrinta ku aadan abaabulka Dadweynaha Banaadir loona bixiyay baraarug Bulsho ayaa waxaaa ka mid ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobe ee Dalka Kena Ambassador Maxamed Nuur Tarsan ayaa yiri:-”Millatariga waa Millatarigii, balse Dowladu dadkii bay abaabushay, waxayna is waafajisay ciidamada iyo shacabka, waxaana halkaasi ka yimid awood aan loo babac dhigi Karin, intaasi ayaa maqneyd hadda ayaana la helay”.

Arrintii ay Madaxweynuhu ka dhawaajiyay si loo fuliyo ayaa durba waxaa Maamulka Gobolka Banaadir shir isugu yeerey degmooyinaka Gobolka banaadir, waxaana loogu wada hadlay sidii loo fulin lahaa soo qabashada iyo far muuqa Maleeshiyaadka Kooxda Khawaarijta ah, waxaana la isla qaatay in la bilaabo baaritaanno Guri Guri ah, si loo xaqiijiyo amniga Caasimadda dalka ee Muqdisho, waxaana durba laha howlgalay qaar ka mid ah Degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ay howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir, waxayna ku soo qabteen Haweeneey Gurigeeda uu ku keydsanaa Hub iyo waxyaabaha Qarxa.

Howlgalkaan guuleystay ayaa yimid kadib go’aankii Madaxweyne Xasan Sheekh uu maalin ka hor uga dhawaaqay Muqdisho, kaasi oo ahaa in Khawaarijta Garan-waaga ah ee dadkeena ku dhex jirta, hadana ugaarsaneysa deg deg looga soo dhex saaro, waxayna Saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka ay warbaahinta Qaranka u sheegay in haatan uu socdo baaritaan lagu haayo Haweenaydaan iyo hubka lagu soo qabtay, isla markaana loo gudbin doono Maxkamad.

Haddaba waxaa looga fadhiyaa Bulshada weynta Gobolka banaadir inay iska hurgufaan GARANWAAGA, kaasi oo ah Dhilqe ku dhex jira. Dhibaataa u geysan kara nafo badan oo ah dadka Muqdisho.

Qallinka C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Culumada Hiiraan oo kulan dhiirigalin ah la qaatay ciidamada gobolkaasi

Sheekh Maxamed Xasan Caadle iyo Sheekh Ibraahim Xasan Cismaan oo la hadlay qeybaha ciidamada ee ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa…

Gudaha
September 13, 2024

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay Salaadda Janaasada Allaha u naxariisto Guddoomiyihii deegaanka Garasbaaleey “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxmuud Maxamed (Cumar Filish) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan…

GudahaWararka
May 21, 2021

Maamulka Degmada Hodan oo u dabaaldegay xayiraadda hubka ee laga qaaday Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):- Maamulka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa qabtay shalay munaasabad lagu soo dhaweynayay laguna taageerayay go’aankii golaha ammaanka ee…

GudahaWararka
December 5, 2023

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo la kulmay ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya ahna wasiirka arrimaha dibadda

Addis Ababa:-SONNA-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaaliya Mudane Absher Cumar Jaamac ayaa magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka…

GudahaWararka
February 16, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023