Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP
    March 9, 2026
    Wasiirka Qoyska oo xarig jartay garoon kubadda cagta ah oo loogu talagalay agoonta Booliiska
    March 9, 2026
    𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐃𝐞𝐞𝐪 𝐋𝐚𝐜𝐚𝐠𝐞𝐞𝐝 𝐤𝐮 𝐖𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚
    March 9, 2026
    Kulan lagu falanqeeyay saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada oo lagu qabtay Muqdisho
    March 9, 2026
    Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho
    March 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading:  Bulshada Banaadir oo iska hurgufeysa GARANWAAGA. (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada >  Bulshada Banaadir oo iska hurgufeysa GARANWAAGA. (WARBIXIN)
MaqaalladaWararka

 Bulshada Banaadir oo iska hurgufeysa GARANWAAGA. (WARBIXIN)

By Kulane
Last updated: January 14, 2023
6 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Lix bilood oo dagaal adag lagula jiray Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ayaa kala kulmay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Deegaanka oo iskaashanaya jab iyo khasaarooyin fara badan, waxaana dib loogala wareegay Deegaanno iyo Degmooyin badan, kadib markii uu Madaxweynaha JFS Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo ku dhawaaqay dagaal adag oo lagu qaado Kooxda Maleeshiyaadka Arxanka daran, iyadoo durbadiiba laga soo afmeeray dhammaan Maamulka Goboleedka Hirshabeelle, gudahana loo galay Maamul goboleedka Galmudug ayaa waxaa soo ifbaxday in ay kooxdu ku soo qulqulaan Magaalada Muqdisho, si ay gabbaad uga dhigtaan, howlahoodii guracnaana uga sii wataan, balse waxaa durbadiiba loo istaagay in laga hortago inta aysan dhibaateyn Shacabka Soomaaliyeed, sidaasi awgeed ayaa maalintii Khamiista aheyd ee bisha Janaayo aheyd 12-kii ee sanadkan, ayay dadweynaha ku dhaqan Gobolka Banadir u soo banan baxeen sidii looga hortagi lahaa Shirqoolada Kooxda Khawaarijta ah.

Maalintaasi ayaa waxaa la isugu tegay Garoonka Kubadda cagta ee loogu magic daray Eng: Yariisow oo isagu ku naf waayay Qarax loogu xiray Xafiiskiisa, waxaana ka soo qeyb galay Dadweyne kor u dhaafay tiradooda 30 kun oo ruux, masuuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Gobolka Banaadir, waxaana halkaasi laga soo jeediyay Gabayo, Heeso iyo hadallo dhammaantoodu lagu hoga tusaaleynayay Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir iyo sidii ay isaga soo dhex bixin lahaayeen Dhilqaha ku dhex jira, isla markaana isaga hurgufi lahaayeen, waxaana ugu dambeyntii fagaarahaasi Khudbad aad u nuxur badneyd ka jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay bannaan-baxa bulshada Caasimadda Muqdisho ay kaga soo horjeedaan argagixisada Al-shabaab ayaa xusay in gumaadkii iyo mahadhooyinkii ay khawaarijtu u geysteen shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in qaraxyadii Hotel Shaamoow, Hargaha iyo Saamaha, Soobbe1 iyo Soobbe 2, Ex-Koontaroolkii afgooye iyo gumaad-wadeerdyo badan oo argagixisadu ay ku gumaadeen arday, culimmo, haween, dhakhaatiir iyo haldoor badan oo Soomaaliyeed oo waxtar u lahaa dalkeenna, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yiri:-“Shabaab waa Kalluun ay biyihii ka gureen, waxa ay ku dhex dhuumanayeen shacabka Soomaaliyeed, iyagiina waa diideen oo intaas ka badan uma dulqaadan karaan gumaad, baad iyo cabburin. Nimankan Al-shabaab ah ilaa aad iska dhiciso kuuma arkayaan dad in aad tahay ee waxay kuu haystaan badeecad yar oo iyagu leeyihiin in aad tahay.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay duruufaha amni ee u gaarka ah Caasimadda Muqdisho iyo dadaalka dowladdu ay ku bixinayso sidii ay nabad iyo xasillooni ugu noolaan lahaayeen bulshada caasimadda ayaa ku boorriyey baraarugga ay muujiyeen ee ka dhan ah argagixisada Al-shabaab iyo garab istaagga halganka xoreynta dalka, wuxuuna kula dardaarmay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo dadka Caasimadda in ay la shaqeeyaan laamaha amniga, soona gudbiyaan xogta argagixisada ku dhex dhuumaaleysanaysa guryahooda iyo ganacsiyadooda, si looga hortago gumaadka iyo falalka arxan darrada ah ee khawaarijtu ay soo maleegayaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka inay gacan ka geystaan sidii loo soo saari lahaa xubnaha ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee uu ku sheegay inay yihiin ‘dhiqlaha.’, isagoo xusay in ay iska hurgufaan, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa raaciyay “Dadku waa ay ka daaleen gumaadka, dilka iyo dembiyada nooc kasta leh, waxayna hadda u sheegayaan Al-Shabaab, “Intaas ka badan uma dul qaadan karno,” ayuu raaciyay Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab wax yar kadib markii uu xafiiska la wareegay bishii May ee sanadkii hore.

Masuuliyiintii ka hadlay arrinta ku aadan abaabulka Dadweynaha Banaadir loona bixiyay baraarug Bulsho ayaa waxaaa ka mid ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobe ee Dalka Kena Ambassador Maxamed Nuur Tarsan ayaa yiri:-”Millatariga waa Millatarigii, balse Dowladu dadkii bay abaabushay, waxayna is waafajisay ciidamada iyo shacabka, waxaana halkaasi ka yimid awood aan loo babac dhigi Karin, intaasi ayaa maqneyd hadda ayaana la helay”.

Arrintii ay Madaxweynuhu ka dhawaajiyay si loo fuliyo ayaa durba waxaa Maamulka Gobolka Banaadir shir isugu yeerey degmooyinaka Gobolka banaadir, waxaana loogu wada hadlay sidii loo fulin lahaa soo qabashada iyo far muuqa Maleeshiyaadka Kooxda Khawaarijta ah, waxaana la isla qaatay in la bilaabo baaritaanno Guri Guri ah, si loo xaqiijiyo amniga Caasimadda dalka ee Muqdisho, waxaana durba laha howlgalay qaar ka mid ah Degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ay howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir, waxayna ku soo qabteen Haweeneey Gurigeeda uu ku keydsanaa Hub iyo waxyaabaha Qarxa.

Howlgalkaan guuleystay ayaa yimid kadib go’aankii Madaxweyne Xasan Sheekh uu maalin ka hor uga dhawaaqay Muqdisho, kaasi oo ahaa in Khawaarijta Garan-waaga ah ee dadkeena ku dhex jirta, hadana ugaarsaneysa deg deg looga soo dhex saaro, waxayna Saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka ay warbaahinta Qaranka u sheegay in haatan uu socdo baaritaan lagu haayo Haweenaydaan iyo hubka lagu soo qabtay, isla markaana loo gudbin doono Maxkamad.

Haddaba waxaa looga fadhiyaa Bulshada weynta Gobolka banaadir inay iska hurgufaan GARANWAAGA, kaasi oo ah Dhilqe ku dhex jira. Dhibaataa u geysan kara nafo badan oo ah dadka Muqdisho.

Qallinka C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed, iyo Wasiir…

March 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirks Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay kuxigeenka Ergeyga gaarka ah QM ee Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Raisedon Zenenga, ku-xigeenka Ergeyga Gaarka…

GudahaWararka
June 15, 2024

Shirka wasiiradda isbeddelka Cimilada ee Afrika oo Nairobi lagu soo gabo gabeeyey

Nairobi(SONNA):-Shirka wasiiradda isbeddelka Cimilada ee Afrika oo Nairobi lagu soo gabo gabeeyey,Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galay wafdi uu…

GudahaWararka
July 17, 2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo booqaday ciidanka xoogga dalka ee ka howlgala Xudur

Muqdisho(SONNA):-Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday cutubyo…

GudahaWararka
December 14, 2022

Safiirka aan deganeyn ee Botswana oo waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay

Muqdisho,(SONNA):- Danjiraha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Koonfur Afrika, Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay…

GudahaWararka
March 1, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023