Maamulka Booliska Somalia ayaa sheegay in ay ย bilaabeen howlgallo wax looga qabanaayo dadka caadeystay isticmaalka nuucyada maandooriyaasha iyo dhaqamada xun ee ku sii baahaya bulshada.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo u waramayey warbaahinta qaranka ayaa sheegay in in Magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka ay kusoo kordheen dhalinyaro caadeystay waxyaabo dhaqan xumida ah, sida ย isticmaalka ย dawooyinka dooriya maskaxda.
Taliyaha ayaa xusay in qorshaha ka hortagga dhaqan xumada iyo isticmaalka maandooriyaasha ay kala shaqeyn doonaan qaar kamid ah Wasaaradaha dowladda, sida Wasaaradda Diinta & Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya.
Dadaalada wax looga qabanaayo nuucyada maandooriyaasha ,ayaa imaanaya xilli Magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale ee gobolada ay kusoo bateen dhalinyaro si qaldan u isticmaalaya daawooyinka caadiga ah iyo waxyaabaha kale ee dooriya maanka.