Maamulka Qeybta Booliiska ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa Magaalada Kismaayo ku soo gabagabeeyay tababar aqoon kororsi ah oo la xiriiray sugidda amniga ee doorashooyinka.
Tababarkaan oo socday muddo shan maalmood ah,waxaa ka qeybgalay15 sarkaa ย oo ka tirsan Booliiska Jubbaland,kuwaas oo xaqiijin doona dadaalka ciidamada ee ku aadan ka miro dhalinta doorashooyinka socda.
Tababarkaan mudadii uu socday waxaa lagu qaatay maareynta amniga, tilmaamaha doorashada, xeerarka iyo waajibaadka ciidamada, habaynta,qaab -dhismeedka sharciga doorashada, ka hortagga rabshadaha iyo ilaalinta nidaamka dadweynaha iyo xakamaynta dadka .
Xafladdii xiritaanka waxaa goobjoog ka ahaa taliyaha booliiska Jubaland, Jen. Maxamed Cabdi Sheekh,iyadoo warbixin la xiriirtay dadaalkii loo soo galay qabashada tababarka iyo kaalinta uu ka qaadan karo howlaha ciidamada,uu halkaasi ka soo jeediyay Kormeeraha guud ee tababarka, Edward Kebbie Sesay oo ka tirsan Booliska AMISOM .
AMISOM iyo ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa loo xilsaaray sugidda amniga doorashooyinka ka socda Soomaaliya, iyadoo booliiska Soomaaliya uu hoggaanka u hayo arrimahaasi, halka booliiska AMISOM uu kaalin taageero ka qaadanayo.