Dhalinyarada Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa wada abaabul iyo diyaargarow ku aadan sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen sugidda amniga iyo xasiloonida ay ka shaqaynayaan saraakiisha ciidamada dowlada ee ka howlgala degmada.
Taliyaha Booliiska Degmada oo la kulmay dhallinyarada ayaa sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga qeybgalo sugidda amniga, isla markaana dhalinyada ay door lixaad leh ku yeeshaan horumarka degmada.
Kulankaan dhexmaray dhallinyarada iyo ciidanka Boliiska ayaa imanaya iyadoo qorshaha xiga uu yahay sidii maleeshiyada argagixisada looga saari lahaa deegaanada yar ee ay weli joogaan.