Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Bayaanka Shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Bayaanka Shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed
GudahaWararka

Bayaanka Shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed

By SB
Last updated: November 29, 2025
7 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Bayaanka Shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed

3 – 6 Jamaadul aakhir 1447 24 – 27 Nov, 2025
Muqdisho – Soomaaliya

Shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ay Wasaaraddda Awqaafra iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si joogto ah u qabato sanand kastauuna taageebliyi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa ka soo qeyb galay Culimaa’udiin iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibaddiisa.

Shirweynaha waxaa lagu soo bandhigay cilmi baarisyo kala duwan oo lagu falanqeeyey cinwaanka guud ee shirika oo ahaa (Wadajirka Bulshada iyo Xasiloonideeda.. Tiirarka iyo Caqabadaha) isla markaana hal ku-dheggiisu ahaa qowlka Eebbe Subxaanahu Watacaalaa:

(لَا تَفَرَّقُوا فَتَفْشَلُوا وَتَذْهَبَ رِيحُكُمْ)

Shirku wuxuu xooga saaray sidii loo xoojin lahaa isku duubnaanta bulshada Soomaaliyeed iyo adkaynta xasilloonida dalka, iyadoo laga dooday arrimo la xiriira: ilaalinta qiyamka Islaamka, mideynta bulshada, dib u heshiisiinta iyo xalinta khilaafaadka, xoojinta dowlad-wanaagga iyo hay’adaha dowlada, ka hortagga xagjirnimada iyo xoojinta bedqabka fikirka suubban ee bulshada Soomaaliyeed, faridda wanaagga iyo iska reebidda xumaanta.

Gebagebadii Shirweynaha, Culimada Soomaaliyeed waxay soo saareen bayaan ka kooban qodobbada soo socda:

Midnimada iyo Wadajirka Ummadda

In ay lagama maarmaan tahay in Shareecada Islaamka qiyamkeeda iyo fahamkeeda toosan ay noqdaan tiirarka lagu hago nolosha bulshada si looga fogaado fikirradda iyo falalka xagjirnimada.

Shirweynuhu waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay u midoobaan xal u helidda caqabadaha khatarta ku ah midowga siyaasadeed iyo wadajirka bulsheed ee shacabka Soomaaliyeed sida colaadaha sokeeye, qabyaaladda, xagjirnimada, faragelinta shisheeye iwm.

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxa uu si aad ah uga xun yahay dagaal beeleedyada soo cusboonaaday meelo ka mid ah dalka iyo falalka argagixiso ee ka dhashay colaadahaasi sida, ku kala argudashada haweenka iyo carruuta, gubidda dad nool ama jarjarista xubnahooda, iyo u soo bandhigista bulshada falalkaas foosha xun, taas oo ah mid ka baxsan diinta islaamka iyo dhaqanka suubban ee ummadda Soomaaliyeed.

Shirweynuhu waxa uu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya hirgelinta hannaan looga hortago laguna xakameeyo, xal waaraana looga gaaro colaadaha beelaha ee soo noqnoqday iyo xallinta khilaafaadka ka taagan meelo kala duwan oo dalka ka mid ah. Sidoo kale, Culimada waxa ay ku boorrinayaan waxgaradka Soomaaliyeed sida odayaasha dhaqanka, aqoonyahannada, bulshada rayidka iyo dhammaan qaybaha bulshada in ay kaalintooda ka qaataan isku haynta shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, nabadeynta iyo horumarinta dalka.

Culimada Soomaaliyeed waxa ay ka digayaan ka ganacsiga maandooriyayaasha, sidoo kale waxay si adag ugu digayaan qolyaheeda sida xun u isticmaala baraha bulshada ayaga oo ugu baaqaya dhamaan kooxahaan in ay ka waantooban una towbad keenaan alle, sidoo kale Culimadu waxay ugu baaqayaan Dowlada iyo Maamulka dalka in ay ka hortagaan arrimahaas.

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxa uu madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ugu baaqayaa iyadoo la tixgelinayo duruufaha adag ee uu dalku ku jiro in danta guud ay ka hormariyaan waxa kasta,ayna miiska wada hadalka ku xalliyaan kala aragti duwanaanta dhexooda si uusan cadowga uga faaideysan.

La dagaalanka Khawaarijta

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxa uu mar kale ku celinayaa in Khawaarijta Al-Shabaab, Daacish iyo kuwa la midka ah ay ka mid yihiin cadowga iyo caqabadaha ugu waaweyn ee ku hor gudban nabadda, midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed ayna lagama maarmaan tahay in si wadajir loola dagaalamo kooxahaas xagjirka ah.

Shirweynaha Culimadu waxa uu shacabka Soomaaliyeed si gaar ah ugu adkeynayaa in ay waajib tahay inay u midoobaan la dagaalanka Khawaarijta oo banneystay dhiiggooda, sharaftooda iyo xoolahooda.

Culimada waxa ay shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaan inay xaaran tahay in xoog, dhaqaale iyo fikirba lagu taageero khawaarijta, waxa ayna kooxaha khawaarijta ugu baaqayaan in ay Alle u towbad keenaanayna joojiyaan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Xoojinta Dowlad-wanaagga

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxa uu ku baaqayaa xoojinta dowlad-wanaagga, tayeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo hufnaantooda, la dagaallanka musuqmaasuqa, horumarinta dhaqaalaha, abuurista fursado shaqo, la dagaallanka saboolnimda iyo tahriibka, maadaama ay yihiin arrimo saamayn ku leh nolosha iyo xasilloonida bulshada.

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxa uu si buuxda u taageersan yahay dadaallada Wasaaradda Awqaafra iyo Arrimaha Islaamka ugu jirto taageeridda diiwaanka Zakada iyo horumarinta nidaamka awqaafra.

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxa uu ka codsanayaa Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay meelmariyaan xeerarka kala ah: Xeerka Dhismaha Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed iyo Xeerka Abuurista Diiwaanka Zakada oo ay horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirrada XFS, haatana hor yaalla Baarlamaanka kuwaas oo ka mid ah dadaalada dib loogu dhisayo hay’adaha dowladnimada Soomaaliyeed.

Shirweynuhu waxa uu si buuxda u taageerayaa mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan garab istaagga dowladaha aan walaalaha nahay ee Sudan iyo Falastiin, gaar ahaan difaaca gobannimadooda dhuleed, siyaasadeed, iyo ilaalinta xuquuqdooda sharci ee ay ku leeyihiin nidaamka caalamiga ah.

Culimada Soomaaliyeed iyagoo ka duulaya abaariha iyo roob yarida ka jirta gobollada dalka,waxa ay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaan in Alle (sw) loo laabto, isla markaana la tukado salaada roobdoonka ah, si Eebbe (sw) noogu furo ilaha raxmadiisa. Sidoo kale culimadu waxa ay ugu baaqayaan Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba in ay is taakuleeyaan isuna gurmadaan.

Ugu dambayn, Shirweynuhu waxa uu u mahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo sanad kasta taagebgeliyaga martigelinta Shirweynaha ay Wasaaraddfa Awqaafra iyo Arrimaha Islaamka u qabato Culimada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Waxaan Eebbe ka baryeynaa inuu nabad, midnimo iyo barwaaqo ku galado dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Maareeye oo milkiilayaasha Hoteellada iyo dalxiisayaasha faray in ay isa soo diiwaan geliyaan+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Munaasabad abaal marinno kala duwan lagu guddoonsiinayay Dadkii ku guuleystay kuwaasoo isugu jira Tigidho, ballan-qaadyo shaqo iyo Lacago Kaasha ah…

Wararka
February 24, 2020

Aqriso:- Nuxurka Qudbadda Madaxweyne Farmaajo ee furitaan Baarlamaanka “Sawirro”

Muqdisho, Oktoobar 09, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa maanta si…

Wararka
October 9, 2019

Howlwadeenno ka tirsan Gaashaandhigga oo loo qabtay tababar aqoon kororsi ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax ayaa maanta furay tababar aqoonkororsi ah oo loogu talagalay kor…

Gudaha
January 15, 2026

Khawaarij waddada miino ku aasayay oo la halaagay

Ciidamada kacdoonka shacabka ee ku sugan Xarardheere ayaa deegaan dhowr iyo toban KM dhanka galbeed ka xiga magaaladaasi ku fashiliyey…

GudahaWararka
September 28, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023