Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Bayaanka Shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed
    November 29, 2025
    Madaxweyanaha JFS oo qaabilay haweenka Culimada ah ee ka qayb galay shirkii Culimada
    November 28, 2025
    Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS oo dalka Turkiga uga qeyb galay Madasha Wasiirrada Beeraha Adduunka
    November 28, 2025
    Wasiir arrimaha guddaha XFS oo ka qayb galay shir heer wasiir oo dalalka IGAD kaga arinsanayeen baaqa Nabada
    November 28, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    November 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Bayaanka Shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Bayaanka Shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed
GudahaWararka

Bayaanka Shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed

By Axmed
Last updated: November 29, 2025
7 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Bayaanka Shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed

3 – 6 Jamaadul aakhir 1447 24 – 27 Nov, 2025
Muqdisho – Soomaaliya

Shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ay Wasaaraddda Awqaafra iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si joogto ah u qabato sanand kastauuna taageebliyi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa ka soo qeyb galay Culimaa’udiin iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibaddiisa.

Shirweynaha waxaa lagu soo bandhigay cilmi baarisyo kala duwan oo lagu falanqeeyey cinwaanka guud ee shirika oo ahaa (Wadajirka Bulshada iyo Xasiloonideeda.. Tiirarka iyo Caqabadaha) isla markaana hal ku-dheggiisu ahaa qowlka Eebbe Subxaanahu Watacaalaa:

(لَا تَفَرَّقُوا فَتَفْشَلُوا وَتَذْهَبَ رِيحُكُمْ)

Shirku wuxuu xooga saaray sidii loo xoojin lahaa isku duubnaanta bulshada Soomaaliyeed iyo adkaynta xasilloonida dalka, iyadoo laga dooday arrimo la xiriira: ilaalinta qiyamka Islaamka, mideynta bulshada, dib u heshiisiinta iyo xalinta khilaafaadka, xoojinta dowlad-wanaagga iyo hay’adaha dowlada, ka hortagga xagjirnimada iyo xoojinta bedqabka fikirka suubban ee bulshada Soomaaliyeed, faridda wanaagga iyo iska reebidda xumaanta.

Gebagebadii Shirweynaha, Culimada Soomaaliyeed waxay soo saareen bayaan ka kooban qodobbada soo socda:

Midnimada iyo Wadajirka Ummadda

In ay lagama maarmaan tahay in Shareecada Islaamka qiyamkeeda iyo fahamkeeda toosan ay noqdaan tiirarka lagu hago nolosha bulshada si looga fogaado fikirradda iyo falalka xagjirnimada.

Shirweynuhu waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay u midoobaan xal u helidda caqabadaha khatarta ku ah midowga siyaasadeed iyo wadajirka bulsheed ee shacabka Soomaaliyeed sida colaadaha sokeeye, qabyaaladda, xagjirnimada, faragelinta shisheeye iwm.

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxa uu si aad ah uga xun yahay dagaal beeleedyada soo cusboonaaday meelo ka mid ah dalka iyo falalka argagixiso ee ka dhashay colaadahaasi sida, ku kala argudashada haweenka iyo carruuta, gubidda dad nool ama jarjarista xubnahooda, iyo u soo bandhigista bulshada falalkaas foosha xun, taas oo ah mid ka baxsan diinta islaamka iyo dhaqanka suubban ee ummadda Soomaaliyeed.

Shirweynuhu waxa uu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya hirgelinta hannaan looga hortago laguna xakameeyo, xal waaraana looga gaaro colaadaha beelaha ee soo noqnoqday iyo xallinta khilaafaadka ka taagan meelo kala duwan oo dalka ka mid ah. Sidoo kale, Culimada waxa ay ku boorrinayaan waxgaradka Soomaaliyeed sida odayaasha dhaqanka, aqoonyahannada, bulshada rayidka iyo dhammaan qaybaha bulshada in ay kaalintooda ka qaataan isku haynta shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, nabadeynta iyo horumarinta dalka.

Culimada Soomaaliyeed waxa ay ka digayaan ka ganacsiga maandooriyayaasha, sidoo kale waxay si adag ugu digayaan qolyaheeda sida xun u isticmaala baraha bulshada ayaga oo ugu baaqaya dhamaan kooxahaan in ay ka waantooban una towbad keenaan alle, sidoo kale Culimadu waxay ugu baaqayaan Dowlada iyo Maamulka dalka in ay ka hortagaan arrimahaas.

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxa uu madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ugu baaqayaa iyadoo la tixgelinayo duruufaha adag ee uu dalku ku jiro in danta guud ay ka hormariyaan waxa kasta,ayna miiska wada hadalka ku xalliyaan kala aragti duwanaanta dhexooda si uusan cadowga uga faaideysan.

La dagaalanka Khawaarijta

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxa uu mar kale ku celinayaa in Khawaarijta Al-Shabaab, Daacish iyo kuwa la midka ah ay ka mid yihiin cadowga iyo caqabadaha ugu waaweyn ee ku hor gudban nabadda, midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed ayna lagama maarmaan tahay in si wadajir loola dagaalamo kooxahaas xagjirka ah.

Shirweynaha Culimadu waxa uu shacabka Soomaaliyeed si gaar ah ugu adkeynayaa in ay waajib tahay inay u midoobaan la dagaalanka Khawaarijta oo banneystay dhiiggooda, sharaftooda iyo xoolahooda.

Culimada waxa ay shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaan inay xaaran tahay in xoog, dhaqaale iyo fikirba lagu taageero khawaarijta, waxa ayna kooxaha khawaarijta ugu baaqayaan in ay Alle u towbad keenaanayna joojiyaan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Xoojinta Dowlad-wanaagga

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxa uu ku baaqayaa xoojinta dowlad-wanaagga, tayeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo hufnaantooda, la dagaallanka musuqmaasuqa, horumarinta dhaqaalaha, abuurista fursado shaqo, la dagaallanka saboolnimda iyo tahriibka, maadaama ay yihiin arrimo saamayn ku leh nolosha iyo xasilloonida bulshada.

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxa uu si buuxda u taageersan yahay dadaallada Wasaaradda Awqaafra iyo Arrimaha Islaamka ugu jirto taageeridda diiwaanka Zakada iyo horumarinta nidaamka awqaafra.

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed waxa uu ka codsanayaa Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay meelmariyaan xeerarka kala ah: Xeerka Dhismaha Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed iyo Xeerka Abuurista Diiwaanka Zakada oo ay horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirrada XFS, haatana hor yaalla Baarlamaanka kuwaas oo ka mid ah dadaalada dib loogu dhisayo hay’adaha dowladnimada Soomaaliyeed.

Shirweynuhu waxa uu si buuxda u taageerayaa mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan garab istaagga dowladaha aan walaalaha nahay ee Sudan iyo Falastiin, gaar ahaan difaaca gobannimadooda dhuleed, siyaasadeed, iyo ilaalinta xuquuqdooda sharci ee ay ku leeyihiin nidaamka caalamiga ah.

Culimada Soomaaliyeed iyagoo ka duulaya abaariha iyo roob yarida ka jirta gobollada dalka,waxa ay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaan in Alle (sw) loo laabto, isla markaana la tukado salaada roobdoonka ah, si Eebbe (sw) noogu furo ilaha raxmadiisa. Sidoo kale culimadu waxa ay ugu baaqayaan Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba in ay is taakuleeyaan isuna gurmadaan.

Ugu dambayn, Shirweynuhu waxa uu u mahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo sanad kasta taagebgeliyaga martigelinta Shirweynaha ay Wasaaraddfa Awqaafra iyo Arrimaha Islaamka u qabato Culimada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Waxaan Eebbe ka baryeynaa inuu nabad, midnimo iyo barwaaqo ku galado dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Bayaanka Shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):-Bayaanka Shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed 3 – 6 Jamaadul aakhir 1447 24 – 27…

November 29, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Maaliyadda dalalka Iskaashiga Geeska Afrik

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan magaalada Washington ayaa ka qeyb galay shirka Wasiirada…

Wararka
April 16, 2023

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo u gudbay wareegga 2-aad

Tartamayaasha labada degmoo ee Kismaayo iyo Warsheekh ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo…

Gudaha
March 16, 2024

Madaxweyne Qoor-qoor oo sheegay in ay Argagixisada ka xoreyn doonan Galmudug

Dhuusamareeb-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa sheegay in ay u diyaargaroobeen xoreynta degaanada fara ku tiriska ah…

Wararka
April 13, 2020

Wasiir Fiqi oo New York kula kulmay xoghayaha guud ee INTERPOL

New York  (SONNA): Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya danjire Axmed Macalim Fiqi ayaa la kulmay xoghayaha Guud ee INTERPOL,…

GudahaWararka
September 24, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023