Muqdisho(SONNA):-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambiya, Jamhuuriyadda Indunuusiya, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Boqortooyada Urdun, Dowladda Kuwayt, Dowladda Liibiya, Jamhuuriyadda Maldives, Jamhuuriyadda Nayjeeriya, Saldanadda Cumaan, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Baakistaan, Dowladda Falastiin, Dowladda Qatar, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda Suudaan, Jamhuuriyadda Turkiga, Jamhuuriyadda Yemen, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka;
Dhammaan dowladahaan iyo ururradaan ayaa si adag u cambaareeyey dhaqdhaqaaqa Israaโiil iyo booqashadii ugu dambeysay ee sharci-darrada ahayd ee masuul Israaโiili ah uu 6-dii Janaayo 2026 ku tagay Gobol ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna ku sifeeyeen xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, midnimadeeda iyo wadajirka dhulkeeda, isla markaana wiiqaysa qawaaniinta caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Dowladahaan ayaa mar kale xaqiijiyey taageeradooda aan leexleexadka lahayn ee ku aaddan madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, midnimadeeda iyo wadajirkeeda dhulkeed, iyagoo ku bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay uga goโan tahay ka qaybgalka caalami ah ee nabadda, diblomaasiyadda wax ku oolka ah iyo u hoggaansanaanta qodobbada sharciga caalamiga ah, waxayna caddeeyeen in goโaankeeda midnimada iyo difaaca madax-banaanida dhulka Jamhuuriyadda ay ku garab taagan yihiin.