Muqdisho (SONNA): Ololaha Hooyo u Hiili Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay Barnaamij ballaaran oo looga hadlay doorka haweenka iyo dhalinyarada ee ka hortagga dagaallada sokeeye iyo taageeridda Ciidamada Qaranka.
Munaasabadan oo lagu qabtay Tiyaatarka Qaranka, ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, masโuuliyiin ka socday maamulka gobolka Banaadir, iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.
Agaasime Aamina Keyf Axmed oo ka hadashay munaasabadda, ayaa sheegtay in Barnaamijka ololaha Hooyo u Hiili Qaranka diiradda lagu saarayo sidii loo dhiirigelin lahaa nabadda iyo ka hortagga dagaallada beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah.
Waxay intaas ku dartay, “In sanadka 2024 wiil Soomaaliyeed uu u dhinto dagaal sokeeye waa arrin xanuun badan. Maanta qaranka wuxuu u baahan yahay in la difaaco oo la arko Soomaali mideysan.”
Barnaamijka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday muhiimadda ay leedahay u qareemidda bulshada ku nool deegaanada laga xoreeyay kooxda Khawaarijta.
Masโuuliyiintii ka qeyb gashay bandhigga ayaa soo jeediyay talooyin muhiim ah oo ku saabsan sidii bulshadu u taageeri lahayd dadaallada qaranka ee amniga iyo dib u dhiska.