Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Bayaan wadajir ah oo ku saabsan booqashada sharci-darrada ah ee xubno ka tirsan Israa’iil ay ku yimaadeen gobollada waqooyi ee JFS
    January 9, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa khudbad u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed
    January 8, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar iyo Xoghayaha guud ee QM oo qadka Telefonka kaga wada hadlay faragelinta Israa’iil kula kacday Soomaaliya
    January 8, 2026
    Taliyaha ciidanka Booliiska oo shirguddoomiyey shirka taliyeyaasha Booliiska
    January 8, 2026
    Maamulka Shabeellada Dhexe oo deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidanka xoogga ee jooga Wargaadhi
    January 8, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Baraaruga Bulshada oo gaarsiiyey khawaariijta jab xooggan
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Baraaruga Bulshada oo gaarsiiyey khawaariijta jab xooggan
GudahaMaqaalladaWararka

Baraaruga Bulshada oo gaarsiiyey khawaariijta jab xooggan

By SB
Last updated: March 6, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Baraaruga Bulshada oo gaarsiiyey khawaariijta jab xooggan

In muddo ah waxaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhib iyo handadaad ku hayay Kooxda caadeysatay daadinta dhiigga dadka muslimiinta,ayagoo u aaba yeelleynin waayeel,indheer-garad, Culummo, Carruur iyo Haween midna, waxayna in muddo ah ku ganbanayayeen magaca diinteenna Islaamka ah ee Xurmeysa dhiigga Islaamka,waxay kooxdaan khawaarijta ku dhuumaleysanayeen in ka badan 10-sano inta badan gobollada koonfurta sida Hirshabeele, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Muddooyinkii dhexe waxay ku bilaabeen Ganacsata in ay ka qaadaan lacago baad ah oo u diiday dadka Soomaliyeed horumar iyo in ay wax qabsadaan ugu dambeyn waxay gaareen in ay dadka ku qasbaan fikradooda guracan ee takfiiriga ah, waxay si qasab ah u marin habaabiyeen dadka wax magaratada ah iyo kuwa dhimirka la’, ayagoo isticmaalayay dhagridda Shacabka,duruufaha ay ku hayeen xoola dhaqatada `Beeraleyda iyo Ganacsatada,waxay sababeen kacdoon Shacab oo ay isaga dul qaadayaan heeryada Kooxdan Khawaarijta ah ee dhaqanka Islaamka ka been abuurtay.

Waxaa isbiirsaday baraaruga shacaka iyo tageerada Ciidanka Qalabka sida, ayadoo laga dhabeynayo Siyaasadda Madaxweyne Xasan sheekh ee la dagaalanka Khawaarijta, waxaa guluf dagaal mar qura ka bilowday dabayaaqadi Bisha July ee Sandkan 2022, ayadoo dagaalada dib u xorreynta ah ay ka dhaceen magaalooyin waawayn iyo tuulooyin ka tirsan maamulada Gal-mudug iyo Hir-shabelle.

Halganka Shacabka iyo taageerada ciidanka waxay sababtay in laga saaro kooxda khawaarijta magaalooyin waawayn oo ay xoog ku heysteen 10kii sano ee ugu dambeeysay, kooxaha khawaarijta waxaa soo gaaray Jab-xoogan tan iyo markii la doortay Md. Xassan Sheekh maxamuud, waxay waayeen mintidiin badan kuwana waxaa lagu qabtay nolosha qaar-badan oo ka mid ahna ay isa soo dhiibeen.

Howl-galka sifeynta iyo Xorreynta, waxaa lagu dilay horjoogayal waa wayn oo ka tirsan dhagar-qabayaasha kooxda khawarijta ah ee Al-shabaab.

Waxaa laga xorreyay magaalooyin iyo tuulooyin waaweyn oo ka tirsanaa Hir-shabeelle,Galmudug waxaa xor ah hadda oo la isugu gudbi karaa magalooyinka Jowhar, Balcad, Mahadaay, Cadale, Warshiikh, Raage-Ceele, Aadan Yabaal,Ruun-Nirgood,Ceeldheer iyo Xarardheere oo ah degmadii ugu dambeeyay ee lagu xorreeyo khawaarijta ee gobalka Mudug, waxaa sidoo kale laga xoreeyay degmooyin ka tirsan gobalka Hiiraan sida Ceel-Hareeri,Moqokori,Buulaburte Matabaan iyo Yasooman oo ah dhul aad u baaxad wayn oo ka tirsan gobalka Hiiraan, waxaa sidoo kale laga xorreyay degmooyin ka tirsan Galmudug sida Wabxo, Wisil iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug,waxaana maalmaha soo socdo laga ciribtiri doonta degaannada fara ku tiriska ay ka joogaan Galmudug.

Booqashooyin dhiirigelinta oo ay ku tageen madaxda qaranka deegannadii laga xorreyay kooxda Khawaarijta. Dagaalka Khawaarijta lala galay kaliya maaha midka deeganada waxaa sidoo kale dowlada gacanta ku dhigtay Shabakado iyo koox qaabilsanaa baadda laga qaadi jiray Ganacsatada Soomaliyeed,waxaa dabagal joogta ah lagu hayaa shakhsiyaad iyo shirkado xiriir dhaw la lahaa kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Dowladda uu hoggaamiyo madaweyne Xasan Sheekh waxaa ka go’án la dagaalanka khawaarijta Al-shabaab iyo ciribtirkooda,waxayna hadda shacabka degaannada laga xoreeyay gacanta cadowga ay dareemayaan nabad iyo barwaaqo, sidoo kale, waxay ku faraxsan yihiin in ay muddo 10-sano ka badan ka dib, harsadaan dallada harka qabow ee dowladnimada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Bayaan wadajir ah oo ku saabsan booqashada sharci-darrada ah ee xubno ka tirsan Israa’iil ay ku yimaadeen gobollada waqooyi ee JFS

Muqdisho(SONNA):-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti,…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Mareykanka oo adkeynaya shuruucda khuseysa xagga safarka

Madaxweynaha Mareykaka Joe Biden ayaa shaaca ka qaaday in la adkeynaayo xeerarka safarka xili Mareykanku uu xaqiijiyay in ay jiraan…

Caalamka
January 7, 2023

Caasha Shaacuur oo deeq gaarsiisay Dadkii ku waxyeelloobay fatahaadaha Dalka+ Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Marwo; Caasho Shaacuur Ugaas, ayaaa Guddiga Qaran ee gurmadka fatahaadaha waxaa ay ku wareejisay deeq isugu jirta dharka Dumarka, maro…

Wararka
November 12, 2019

Wasiirro ka tirsan DFS iyo maamulka G/Banaadir oo kormeeray Cisbitaalka Laansareeti

Guddoomiyaha  Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar  Maxamuud Maxamed  Cumar Filish iyo Wasiirada Caafimaadka iyo Gargaarka Soomaaliya ayaa…

Wararka
December 24, 2020

Culimada Soomaaliyeed” Khawaarijtu waa qoom Alle fidneeyay, shacabka waxaan ugu baaqeynaa in ay iska qabtaan,”

Muqdisho,(SONNA):- Culumada Soomaaliyeed ayaa si weyn u cambaareysay weerarkii xalay kooxda Khawaarijta arxanka daran ay ku qaadeen Maqaayadda Peach View…

GudahaWararka
August 3, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023