Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Bannaanbaxyo Waaweyn oo Looga Soo Horjeeday Xadgudubka Israa’iil oo  Ka Dhacay  Muqdisho iyo Qaar ka Mid ah Gobollada Dalka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Bannaanbaxyo Waaweyn oo Looga Soo Horjeeday Xadgudubka Israa’iil oo  Ka Dhacay  Muqdisho iyo Qaar ka Mid ah Gobollada Dalka
GudahaWararka

Bannaanbaxyo Waaweyn oo Looga Soo Horjeeday Xadgudubka Israa’iil oo  Ka Dhacay  Muqdisho iyo Qaar ka Mid ah Gobollada Dalka

By SB
Last updated: December 30, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay bannaanbaxyo waaweyn oo si adag looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka Israa’iil ku hayso madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Bannaanbaxyadan ballaaran ayaa si gaar ah uga dhacay magaalooyinka Muqdisho, Laascaanood, Baydhabo, Xudur, Cadaado, iyo Guriceel, halkaas oo kumannaan dadweyne ah isugu soo baxeen fagaarayaasha waaweyn, iyagoo watay calanka Soomaaliya, si ay dunida ugu muujiyaan midnimo qaran iyo dal-jacayl.

Dadkii ka qeyb galay bannaanbaxyada ayaa ku dhawaaqayay hal-ku-dhigyo ay si cad ugu muujinayeen diidmada ay ka qabaan isku day kasta oo Israa’iil ku aqoonsanayso ama ku taageereyso kala-go’ ama kala-qaybin lagu sameeyo dhulka Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada waqooyi ee dalka.

Dibadbaxayaasha ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya tahay hal dal oo mid ah, lehna xuduudo caalami ah oo la aqoonsan yahay, isla markaana ay waajib tahay in la ixtiraamo madaxbannaanideeda iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiin, waxgarad, dhaliyaro, Haweyn, iyo culimo ka hadlay bannaanbaxyada ayaa ugu baaqay beesha caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo dalalka caalamka, in ay sii xoojiyaan tageeradooda kana horyimaadaan faragelinta Israa’iil iyo tallaabo kasta oo khatar ku ah xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Sidoo kale, shacabka bannaanbaxa sameeyay ayaa muujiyay taageeradooda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku booriyay in ay sii waddo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu difaacayo madaxbannaanida, midnimada, iyo qaranimada dalka.

Ugu dambayn, bannaanbaxyadan ka dhacay magaalooyinka kala duwan ee dalka ayaa lagu tilmaamay farriin midnimo qaran, taas oo muujinaysa in shacabka Soomaaliyeed ay si wadajir ah uga soo horjeedaan xadgudub kasta oo lagu sameeyo dalkooda, isla markaana ay diyaar u yihiin difaaca midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Batroolka XFS oo ka hadlay marxaladihii kala duwan uu soo maray qorshaha sahminta shidaalka

Muqdisho, (SONNA): Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Cabdirasaaq Cumar Maxamed, ayaa maanta ka warbixiyay marxaladaha kala duwan ee uu soo…

GudahaWararka
October 25, 2024

RASMI: Bile Muxudiin Buraale oo ka tagay Gaadiidka kuna biiray kooxda cusub

Muqdisho (SONNA)- Xiddiga lagu magacaabo Bile Muxudiin Buraale ayaa Saakay si rasmi ah ugu biiray Kooxda kubadda cagta Jaalayasha ee…

CiyaarahaGudaha
January 21, 2020

Wasaaradda arrimaha gudaha XFS maanta martigelisay kulan la xiriira wacygelinta doorashooyinka

Muqdisho.(SONNA):- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa maanta martigelisay kulan la xiriira wacygelinta doorashooyinka iyada oo…

GudahaWararka
December 24, 2024

Shirka Wasiirrada Maaliyadda  Africa oo ka furmay Central Africa Republic

Muqdisho(SONNA):-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa maanta ka qeyb-galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee…

GudahaWararka
July 31, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023