Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
    Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin
    September 5, 2025
    Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Bakoortii Guddoomiye Maddaale, bilowgii dagaalka Maandooriyaha (Warbixin).
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Muuqaallo > Bakoortii Guddoomiye Maddaale, bilowgii dagaalka Maandooriyaha (Warbixin).
Muuqaallo

Bakoortii Guddoomiye Maddaale, bilowgii dagaalka Maandooriyaha (Warbixin).

By Dahir Aadan Cali
Last updated: May 20, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Maandooriyuhu waa halis weyn oo khatar ku ah amniga,dhaqankeenna iyo Diinteenna suuban.

Qaar badan oo ka mid ah Bulshadeennu haba ugu badnaadaane Dhallinyarada ayay mustaqbal tireen noocyada kala duwann ee Maandooriyaha.

Dowladda Soomaaliya oo ka duuleysa waajibaadka ka saaran badbaadinta dadkeeda iyo wax kasta oo khatar ku ah amniga, dhaqanka iyo Diinta ayaa qaadatay go’aan culus, kaas oo looga hortagayo maandooriyaha halista ah.

” Mushkilad kasta oo ka jirta Baladkan waxay salka ku haysaa maandooriyaha,runtiina waa sida aad la socotaan umu khabaai’th waaye qamriga, maandooriyaha iyo wax kasta maanka dooriya waa wax kasta oo ummadda dib u dhiga,kulmaa qofka maankiisu tago wuxuu doono ayuu sameynayaa,” ayuu yiri taliyaha Booliska gobolka Banaadir.

Intaas ka dib, ciidamada ammaanka iyo maamulka gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa qaaday tallaabooyin lagu wajahayay isticmaalka maandooriyaha.

Howlgalka lagu qaaday goobaha lagu isticmaalka, goobo lagu qarinayay iyo meelo badan oo laga soo dejiyo ayaa lagu qabtay noocyo maandooriye halis ah oo lagu qarinayay guryo ku yaalo caasimadda.

Sidoo kale, waxaa la xayiray hotelo iyo goobo kale oo lagu nasto, kuwaas oo Dhallinyaro badan ay u tegi jireen in ay isticmaalaan maandooriyaha.

” Waxaa socda habeenkii labaad howlgalkii guddoomiyaha gobolka Banaadir uu hoggaaminayay oo lagu tegaayay goobaha magaalada iyo shacabka Soomaaliyeed intaba muddo dheer ay ka sheeganayeen culeysna ay ku hayeen dhallinyaro badan oo kala duwan oo isugu timaado, kuwaas oo isticmaala maandooriyaha noocyadiisa kala duwan, ” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Mr. Yabooh.

“Runtii, xumaanta haddii aan lala wada dagaallamin fasahaadka waa nagu sii xoogeysanayaa, kulligeenna mas’uuliyad ayaa naga wada saaran, waxaanna rajeyneynaa maalin maalmaha ka mid ah inaan gaari doono,iyadoo la laga suulay magaalada calaqa iyo waxyaanahan mukhaadaraadka ah,” ayuu yiri guddoomiysha gobolka Banaadir Yuusuf Maddaale.

Sidoo kale, Dowladda waxay tallaabo u qaaday ciidanka ammaanka, kuwaas oo gabi ahaanba laga mamnuucay isticmaalka maandooriyaha.

” Adduunyada dhan Gaal iyo Islaamba xashiish mamnuuc ayuu ka yahay, war annaga ciidanka ahayn haddii aan xashiish cabno oo waddada la taagan nahay calaq,ciidan waaye-na nala leeyahay, canshuurta ummadda Soomaaliyeed laga qaaday hooyooyinka suuqa la fadhiya Yaanyada laga qaaday ee inta mushaar lagaaga dhigay ee ciidanna aad noqotay, waa fahamteenna umaleynaa, calaqna aad cabtid, amarna aadan qaadan oo xashiisheysi aad noqotid ciidanka aad ka mid noqotid , taas ma suurta galeysee ogow,” ayuu ciidanka kula dardaarmay taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed.

Ma jiro askari ka tirsan ciidanka ammaanka oo jidka taagan ama howlgal ku jira oo isticmaali karaa nooc kasta oo ka mid ah maandooriyaha, waxaanna sidoo kale, shaqada looga ruqseeyay askar ka tirsan ciidamada amniga oo isticmaalka maandooriyaha ku guda jiray.

Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi ayaa sheegay in aan jirin askari ka tirsan hay’adaha amniga oo loo ogol yahay isticmaalka maandooriyaha.

” Askari ka tirsan ciidamada amniga oo loo ogol yahay inuu maandooriyo isticmaalo ma jiro, sidaad la socotaan qofka bini-aadamka ah afka inuu soo tirtuu wuxuu ku leeyahay aniga ma isticmaaleyn ma arag iyo igama muuqan, waxaan wadnaa qorshaha ah in jirkooda laga baaro, qofkii lagu arkaanna in hay’adaha ammaanka laga saaro,”

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Generaal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in gacantiisa uu ku eryay 32-askari oo ka tirsan ciidanka asluubta, kuwaas oo lagu helay isticmaalka maandooriyaha loo yaqaano ” Xashiishka”.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyay Dowladda, tallaabada ay u qaadday ciribtirka waxyaabaha maanka dooriyaha, iyagoo ugu baaqay in la sii wado howlgallada ka dhanka ah maandooriyaha halista ku ah amniga,dhaqanka iyo Duinteenna suuban.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah

Galgaduud(SONNA):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Sidee loo xasillinayaa deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta? (Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya, dadka deegaanka iyo ciidanka Daraawiishta ayaa bilihii la soo dhaafay kooxda…

Muuqaallo
March 19, 2023

Maxkamadda gobolka Banaadir oo 10-sanno xabsi ah ku xukuntay nin sixir iyo turufo kale ku qaraabanayay

Muqdisho,(SONNNA):- Wax badan waxaa aad maqasheen dad loo maxkamdeynayo masuq-maasuq, dacwado dhul la xiriira ama dambiyada kale ee aadamaha sida…

GudahaMuuqaalloWararka
August 9, 2023

Xogta Beertii ay Khawaarijtu ku baadi jirtay Shacabka magaalada Muqdisho (Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Waa sheekada beer ka mid ah beeraha waa weyn ee ku yaalo xadka labada gobol ee shabeellaha dhhexe iyo…

Muuqaallo
July 17, 2023

Warbixin: Waa sidee xaaladda nololeed qoysaska barakacayaasha? SAWIRRO

Muqdisho (SONNA) - Sida lawada ogsoonyahay abaarahii ku dhuftay Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelada Dhexe ayaa waxa ay sababeen in…

MuuqaalloWararka
February 15, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023