Ankara, (SONNA): Baarlamaanka Dalka Turkiga ayaa ansixiyay soo jeedinta Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee ah in ciidamo badda ah loo diro Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan dadaallada lagu sugayo ammaanka xeebaha dalka.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay go’aankan ayaa sheegay in iskaashigan uu ka tarjumayo sida ay uga goโan tahay labada dal in ay horumariyaan iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo difaaca.
โTurkiga iyo Soomaaliya kama shaqeynayaan oo kaliya xasillinta biyaha xeebaha Soomaaliya, laakiin sidoo kale waxay kobcinayaan iskaashi muujinaya sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga gobolka iyo xoojinta dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada, burcad-badeedda, ka ganacsiga hubka sharci darrada ah iyo khataraha kale.โ ayuu raaciyay Wasiirka.
Go’aankan ayaa daba socda heshiiskii difaaca iyo iskaashiga dhaqaalaha ee labada dal kala saxiixdeen 8-dii February.