Muqdisho(SONNA):-Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xarunta Vila Hargeysa ayaa goor-dhow ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada, isagoo sheegay inay 169-Xildhibaan ogolaadeen , waxaana diiday 6 Mudane, sidoo kale wax ka aamusay majirto sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.
Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo ay ansixiyeen labada gole waxa ay kala yihiin:
1) Cabdikariim Axmed Xassan
2) Saadiq Abshir Garaad
3) Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan
4) Yusuf Cabdiqaadir Maxamed-Baafo
5) Cumar Abuukar Cumar
6) Farxiyo Maxamed Yusuf
7) Dr. Cumar Jamac Maxamed
8 )Faarax Cabdi Xasan
9) Sahro Diiriye Muuse
10) Cabdullahi Salaad Yaroow
11) Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi
12) Cabdi Cadow Maxamed
13) Cabdishakuur Abiib Haayir
14) Khaalid Ibrahim Ismaaciil
15) Aamina Sh. Cusmaan Maxamed
16) Naasir Maxamed Shire
17) Cabdiraxiim Cabdillahi Shaafici
18) Maxamed Cumar Ismaciil
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, waa guddi Qaran oo dastuuri ah wuxuuna mas’uul ka yahay maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo in ay hirgaliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo hufan.