Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Baaqa Shirka Aqoonsiga & Horumarka Haweenka ee Ka Qaybgalka Siyaasadda La Xirirta Dib U Eegista Dastuurka KMG
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Baaqa Shirka Aqoonsiga & Horumarka Haweenka ee Ka Qaybgalka Siyaasadda La Xirirta Dib U Eegista Dastuurka KMG
Wararka

Baaqa Shirka Aqoonsiga & Horumarka Haweenka ee Ka Qaybgalka Siyaasadda La Xirirta Dib U Eegista Dastuurka KMG

By Sonna Whiteka
Last updated: October 26, 2019
5 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) – Shirka aqoonsiga & horumarka haweenka ee ka qaybgalka siyaasadda ee la xiriirta dib-u-eegista dastuurka KMG oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddiga La Socodka Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Madaxabannaan Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, haweenka xubnaha ka ah labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo haweenka bulshada rayidka ee Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur-Galbeed, Galmudug, Hirshabeele iyo Gobolka Banaadir.

Ka qaybgalayaasha ayaa waxay ku kulmeen Hotel SYL muddadii u dhaxeysay 22ka – 24ka Oktoobar 2019, Muqdishu – Soomaaliya.

Shirka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa isugu yimid dadkii loo baahnaa in wax laga weydiiyo lagana talo-geliyo arrimaha aqoonsiga & horumarka haweenka ee ka qaybgalka siyaasadda ee la xidhiidha dib-u-eegista dastuurka KMG;

  • Iyadoo maanka lagu hayo muhiimadda ay leedahay xal u helidda arrimaha xuquuqda haweenka;
  • Iyadoo ujeeddadu tahay in si cad ah la isula meel dhigayo wax ka qabashada arrimaha haweenka iyo ka qaybgalka siyaasadda ee la xidhiidha dib-u-eegista dastuurka KMG;
  • Iyadoo ay ka go’antahay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-Socodka iyo Guddiga Madaxabannaan ee dib-u-eegista dastuurka in ay tixgeliyaan talooyinka iyo natiijoyyinka ka soo baxa shirka;
  • Iyadoo la tixgelinayo hiigsiga iyo dareenka dhammaan dadka Soomaaliyeed ee dhamaystirka dastuurka iyo doorka haweenka Soomaaliyeed;

Ujeeddooyinka Shirka:

Shirka wuxuu diiradda saaray doodaha quseeya arrimaha hoos ku xusan:

  1. Sidee loo Horumarin karaa haweenka iyo ka qaybgalka siyaasadda iyadoo lala eegayo cutubka 1aad, Qodobkiisa 3aad Farqadiisa 5aad.
  2. Xoojinta ka-qeybgalka haweenka iyo wacyigelinta dib-u-eegista dastuurka.
  3. Qeexida xuquuqda haweenka iyo in ay helaan cadaalad sharci ku dhisan.
  4. Helidda fikir mideysan oo taabagal ah si rasmi ahna loogu gudbiyo hay’adaha ay quseyso.

Shirka wuxuu isla aqoonsaday mabaadi’da soo socota:

  1. Lahaanshaha Dastuurka: Dastuurku waa heshiis bulsho oo saldhig u ah habka dawladnimada Soomaaliya.
  2. Xuquuq: Dastuurku waa kan ilaalinaya xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed astaynayana waajibaadka muwaadinka.
  3. U-wada-dhammaansho: Dastuurku waa in uu noqdaa mid ay kawada qayb-qaataan bulshada Soomaaliyeed laguna ilaaliyo u-dhammaanshaha matalaadda siyaasadeed iyo tan maamul matalaadda haweenka ugu yaraan 30%.

Haddaba, iyadoo la eegayo muhiimadda iyo mabaadi’da kor ku xusan, waxaa shirka ka soo baxay talooyinka iyo baaqa hoos ku xusan:

  1. Shirka wuxuu ku amaanayaa Dowladda Federaalka sida ay uga go’antahay ilaalinta xuquuqda haweenka, wuxuuna ku boorinayaa dowladda inay dardargeliso siyaasadaha iyo shuruucda la xidhiidha sugidda xuquuqda iyo karaamada aadanaha sida ku xusan Qodobka tobonaad ee Dastuurka KMG ah.
  2. Waa in lagu caddeeyaa dastuurka KMG qodobada ka hadlaya xuquuqda haweenka iyo doorkooda ka qayb galka siyaasadda, amniga iyo arrimaha bulshada.
  3. Haweenka waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay’addaha guud ee qaranka, ugu yaraan 30% gaar ahaan jagooyinka la isu doorto iyo kuwa laysku magacaabo ee saddexda laamood ee dowladda iyo Guddiyada Madaxabannaan ee Qaranka, sida uu tilmaamayo dastuurka Cutubka 1aad, Qodobka 3aad Farqadiisa 5aad.
  4. Waa in la dhiso Guddi Haween ee dabagal ku sameeya geedi socodka dib-u-eegista dastuurka.
  5. Waa in haweenka xubnaha ka ah Baarlamaanka Federaalka ay hubiyaan xeerarka, dabagalaana dhammaan xilalka la magacaabayo ee heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed.
  6. Haweenku waa in ay si mug leh oo muuqata uga mid noqdaan arrimaha u baahan qodobada wada xaajoodka siyaasadeed ee dastuurka KMG ah, sida arrimaha masiiriga ah ee Hannanka Cadaaladda, Maqaamka Caasimadda, Amniga, Awood Qaybsiga, Khayraad Wadaaga, Nooca Doorashooyinka, Nooca Dowladda iyo Hannaanka Maaliyadda.
  7. Ugu dambeyn, haweenka Soomaaliyeed waxay ku baaqayaan wada hadal iyo in loo midoobo danta Diinta, Dadka iyo Dalka si loo gaaro xasilooni iyo dowladnimo waarta.

Bogaadin:

Shirka Aqoonsiga & Horumarka Haweenka ee ka qaybgalka siyaasadda ee la xidhiidha dib-u-eegista dastuurka KMG wuxuu mahad ballaaran u jeedinayaa dhammaan ka qeybgalayaasha wuxuuna si gaar ah u bogaadinayaa wadashaqeynta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee haweenka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, dhammaan ka qeybgalayaasha Shirka waxay xaqiijiyeen ka go’naashaha ka qaybqaadashada dib-u-eegista dastuurka iyo ilaalinta dhamaystirka dastuurka ee arrimaha la xiiriira xuquuqda dumarka Soomaaliyeed.

Muqdisho, Soomaaliya

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Waxbarashadda XFS oo Paris uga qeyb galay Shirweyne labadii sano mar ka dhaca Xarunta UNESCO.

Paris (SONNA)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa Magaalada Paris ee…

Wararka
November 13, 2019

Duqeyn ka dhacday deegaanada Galmudug oo lala beegsaday Maleeshiyada Al-shabaab

Muqdisho… SONNA…Cabsidii ugu weyneyd ee Al-shabaab soo wajahday ayaa dhabowday. Maanta oo ay taariikhdu tahay 20ka Luulyo 11-ka barqanimo ayay…

GudahaWararka
July 20, 2021

Saraakiil ku eedaysan Musuq-maasuq oo markii labaad la horgeeyay maxkamadda G/Banaadir

Muqdisho(SONNA):-Maxkamada gobolka Banaadir ayaa markii labaad dhageysaneyso dacwada loo heysto sarakiil katirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo ku eedeysan…

Wararka
July 30, 2023

Maamulka Hir-Shabeelle oo faah-faahiyay xaaladahii ugu danbeeyay ee Corona virus

Jowhar-(SONNA)-Wasaaradda Caafimaadka maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa faah faahin guud ka bixisay kiisaskii ugu dambeeyay ee cudurka Coronavirus ee laga diiwaamgeliyay…

WararkaWargayska
February 20, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023