Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
    Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey shirka hoggaanada Booliiska
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Baaq ka soo baxay shirka  aqoonsiga & horumarka Haweenka ee siyaasadda dib u eegista Dastuurka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Baaq ka soo baxay shirka  aqoonsiga & horumarka Haweenka ee siyaasadda dib u eegista Dastuurka
Wararka

Baaq ka soo baxay shirka  aqoonsiga & horumarka Haweenka ee siyaasadda dib u eegista Dastuurka

By Kulane
Last updated: October 26, 2019
5 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA)…Shirka aqoonsiga & horumarka haweenka ee ka qaybgalka siyaasadda ee la xidhiidha dib-u-eegista dastuurka KMG oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddiga La Socodka Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Madaxabannaan Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, haweenka xubnaha ka ah labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo haweenka bulshada rayidka ee Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur-Galbeed, Galmudug, Hirshabeele iyo Gobolka Banaadir.

Ka qaybgalayaasha ayaa waxay ku kulmeen Hotel SYL muddadii u dhaxeysay 22ka – 24ka Oktoobar 2019, Muqdishu – Soomaaliya.
Shirka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa isugu yimid dadkii loo baahnaa in wax laga weydiiyo lagana talo-geliyo arrimaha aqoonsiga & horumarka haweenka ee ka qaybgalka siyaasadda ee la xidhiidha dib-u-eegista dastuurka KMG;
• Iyadoo maanka lagu hayo muhiimadda ay leedahay xal u helidda arrimaha xuquuqda haweenka;
• Iyadoo ujeeddadu tahay in si cad ah la isula meel dhigayo wax ka qabashada arrimaha haweenka iyo ka qaybgalka siyaasadda ee la xidhiidha dib-u-eegista dastuurka KMG;
• Iyadoo ay ka go’antahay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-Socodka iyo Guddiga Madaxabannaan ee dib-u-eegista dastuurka in ay tixgeliyaan talooyinka iyo natiijoyyinka ka soo baxa shirka;
• Iyadoo la tixgelinayo hiigsiga iyo dareenka dhammaan dadka Soomaaliyeed ee dhamaystirka dastuurka iyo doorka haweenka Soomaaliyeed;
Ujeeddooyinka Shirka:
Shirka wuxuu diiradda saaray doodaha quseeya arrimaha hoos ku xusan:
1. Sidee loo Horumarin karaa haweenka iyo ka qaybgalka siyaasadda iyadoo lala eegayo cutubka 1aad, Qodobkiisa 3aad Farqadiisa 5aad.
2. Xoojinta ka-qeybgalka haweenka iyo wacyigelinta dib-u-eegista dastuurka.
3. Qeexida xuquuqda haweenka iyo in ay helaan cadaalad sharci ku dhisan.
Helidda fikir mideysan oo taabagal ah si rasmi ahna loogu gudbiyo hay’adaha ay quseyso.

Shirka wuxuu isla aqoonsaday mabaadi’da soo socota:

1-Lahaanshaha Dastuurka: Dastuurku waa heshiis bulsho oo saldhig u ah habka dawladnimada Soomaaliya.

2-Xuquuq: Dastuurku waa kan ilaalinaya xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed astaynayana waajibaadka muwaadinka.

3-U-wada-dhammaansho: Dastuurku waa in uu noqdaa mid ay kawada qayb-qaataan bulshada Soomaaliyeed laguna ilaaliyo u-dhammaanshaha matalaadda siyaasadeed iyo tan maamul matalaadda haweenka ugu yaraan 30%.

sugidda xuquuqda iyo karaamada aadanaha sida ku xusan Qodobka tobonaad ee Dastuurka KMG ah.
3. Waa in lagu caddeeyaa dastuurka KMG qodobada ka hadlaya xuquuqda haweenka iyo doorkooda ka qayb galka siyaasadda, amniga iyo arrimaha bulshada.
4. Haweenka waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay’addaha guud ee qaranka, ugu yaraan 30% gaar ahaan jagooyinka la isu doorto iyo kuwa laysku magacaabo ee saddexda laamood ee dowladda iyo Guddiyada Madaxabannaan ee Qaranka, sida uu tilmaamayo dastuurka Cutubka 1aad, Qodobka 3aad Farqadiisa 5aad.
5. Waa in la dhiso Guddi Haween ee dabagal ku sameeya geedi socodka dib-u-eegista dastuurka.
6. Waa in haweenka xubnaha ka ah Baarlamaanka Federaalka ay hubiyaan xeerarka, dabagalaana dhammaan xilalka la magacaabayo ee heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed.
7. Haweenku waa in ay si mug leh oo muuqata uga mid noqdaan arrimaha u baahan qodobada wada xaajoodka siyaasadeed ee dastuurka KMG ah, sida arrimaha masiiriga ah ee Hannanka Cadaaladda, Maqaamka Caasimadda, Amniga, Awood Qaybsiga, Khayraad Wadaaga, Nooca Doorashooyinka, Nooca Dowladda iyo Hannaanka Maaliyadda.
8. Ugu dambeyn, haweenka Soomaaliyeed waxay ku baaqayaan wada hadal iyo in loo midoobo danta Diinta, Dadka iyo Dalka si loo gaaro xasilooni iyo dowladnimo waarta.

Bogaadin:

Shirka Aqoonsiga & Horumarka Haweenka ee ka qaybgalka siyaasadda ee la xidhiidha dib-u-eegista dastuurka KMG wuxuu mahad ballaaran u jeedinayaa dhammaan ka qeybgalayaasha wuxuuna si gaar ah u bogaadinayaa wadashaqeynta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee haweenka Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, dhammaan ka qeybgalayaasha Shirka waxay xaqiijiyeen ka go’naashaha ka qaybqaadashada dib-u-eegista dastuurka iyo ilaalinta dhamaystirka dastuurka ee arrimaha la xiiriira xuquuqda dumarka Soomaaliyeed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo degmada Doolow u dirtay diyaarad wada shixnad gargaar ah

Muqdisho (SONNA):- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka dirtay diyaarad sidday shixnad gargaar ah oo…

GudahaWararka
November 13, 2023

S𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐝𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐡𝐨𝐰𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐢i 𝐥𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 ka socda Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Waxaa maalintii labaad galay Shirka lix biloodlaha ah ee Isku-duwidda howlaha Caafimaadka Soomaaliya oo looga hadlayo horumarinta Caafimaadka dalkeenna. Shirka…

GudahaWararka
April 30, 2024

Ciidanka xoogga Dalka oo 15 Al-Shabaab ahaa ku dilay Jubbada hoose

Kismaayo-(SONNA)-Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 15 hor-jooge oo ka tirsanaa nabad-diidka Al-Shabaab ku dilay how-lgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen…

Wararka
December 20, 2019

Ciidamada Dowladda oo si tartiib ah ugala wareegaya fariisimada ATMIS (WARBIXIN)

Burburkii Dowladdii dhexe ee Dalka Soomaaliya sanadkii 1991-kii kadib ayaa waxaa Dalka soo gaaray Ciidamo huwan ah oo la magac…

GudahaMaqaallada
July 5, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023