Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo hay’adaha dowladda faray inay shaqadooda ugu badan u weeciyaan gurmadka abaaraha
    February 4, 2026
    Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay agaasimayaal cusub
    February 4, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay Masuuliyiinta la doortay ee Guddiga madaxa-banaan ee xuquuqul Insaanka Qaranka
    February 4, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
    February 4, 2026
    Doorashada Guddoonka Guddiga xuquuqul Insaanka oo soo dhamaatay Guddoon cusub na dooratay
    February 4, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda
Wararka

Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda

By Sonna Whiteka
Last updated: September 26, 2024
6 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) – 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku adkeeyay shacabka muhiimada midnimada iyo wadajirka, isagoo xusay sida ay dowladda uga go’an tahay fulinta go’aanka xukuumadda ee ku aaddan la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danijirenimo ka guddoomay safiirada dalalka Guinea, Ireland, Romania, Spain, Switzerland iyo Zambia.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Axmed Maxamed Jaamac u magacaabey La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Dimoqraadiyadda iyo Dowlad Wanaagga, halka Cabdisamad Maxamed Gallan loo magaacabey La- Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Federaalka.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Ciidanka Booliska Soomaaliya ku bogaadiyay guulaha ay ka soo hoyeen ilaalinta nabadgelyada dalka.

5- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Amiirka leh dhaxalka dalka boqortooyada Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Hamad Al-Mubarak.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Ambassador Linda Thomas-Greenfield.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kula kulmay Madaxweynaha Golaha Hoggaanka Jamhuuriyadda Yemen Dr Rashad Maxamed Al – Alimi, iyagoo ka wada hadlay horumarinta nabadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan marinka Badda Cas.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay salaadda janaasada ee lagu dukaday Allaha u naxariistee Marxuum Sheekh Maxamed Sheekh Cabdullaahi Sheekh Ibraahim Baardheere oo dhowaan ku geeriyooday dalka Turkiga.

9- Golaha Wasiirrada oo meel mariyay magacaabista Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi.

10- Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay shixnad hub iyo rasaas ah oo la soo geliyay degaannada Dowlad Goboleedka Puntland, waxaana hubkaas laga keenay dalka Ethiopia.

11- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa qaabbilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u jooga Soomaaliya Mudane, Wang Yu.

12- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa qaabbilay ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Raisedon Zenenga.

13- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS,Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa u kicitimey dalka Imaaraatka Carabta, isagoo kulamo la qaatey Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaran ee Dowladda Imaaraatka Carabta Mudane Saqar Gabaash iyo xubno ka tirsan golahaas.

14- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada New York kula kulmay Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka Masar iyo Eritrea, Badr Abdelatty iyo Osman Saleh, iyagoo ka wada hadlay xoojinta danaha ka dhaxeeya Somaaliya, Masar iyo Eritrea.

15- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daud Aweis Jama ayaa ka qeybgaley xiritaanka barnaamij lagu tababarey in ka badan 350 qof oo ku saabsanaa jiheynta dagaalka Fikirka ah ee ka dhanka Khawaarijta iyo ka hortaga dacaayadahooda.

16- Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay xakameynta hubka sharci darrada ah, mamnuucidda iibinta hubka iyo qeybinta hubka .

17- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa ka qeyb galay barnaamijka Hooyo u Hiili Qaranka, oo diiradda saaraya doorka haweenka iyo dhalinyarada ee ka hortagga dagaallada sokeeye, iyo taageerada dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al Shabab.

18- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macalim Fiqi ayaa ka qayb galay xafladda furitaanka Golaha Safiirrada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.

19- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa qabatey munaasabad lagu abaal-marinaayey tartameyaasha degmooyinkii kaalimaha hore ka galay tartan cilmiyeedkii bishii Ramadaan

20- Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Mudane Xasan Macalin ayaa Dhuusamareeb uga qeyb galay furitaanka shirka la-tashiga hay’adaha Dowlad Goboleedka Galmudug ee soo-jeedinta wax ka-beddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Ku Meel Gaarka ah.

21- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Mudane Axmed Siciid Maxamed ayaa kulamo la yeeshay madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Socdaalka iyo Hay’adda Aqoonsiga Dadwaynaha ee Denmark.

22- Madaxweynaha Dalka Mareykanka Joe Biden ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Danjire Daahir Xasan (Daahir Carab) oo dhowaan loo magacaabey inuu noqdo safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington D.C. Soomaaliya.

23- Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Jabril Ibraahim Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Dhaqaalaha Buluugga ah iyo Macdanta ee Kenya, Xasan Cali Joho, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha buluugga ah, kalluumeysiga, iyo macdanta.

24- Madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Paris, Mudane Maxamed Cali Nuur oo dhowaan la magacaabay.

25- Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI) ayaa daah-furtay wareeggii labaad ee diiwaangelinta barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho, iyadoo kaashanaysa Hay’adda UNHCR.

26- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo kaashanaysa Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee (ITU) iyo GSMA, ayaa si rasmi ah u daahfurtay kulan heer sare ah oo ku saabsan Fulinta Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta Xaaladaha Deg-degga ah (NETP).

27- Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qeybta Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baraawe ku qabtey dhagar qabe ka tirsan Khawaarijta oo aasayey miino uu doonayay in uu ku dhibaateeyo shacabka.

28- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Mareykanka kulamo kula yeeshay yeeshay hay’adaha Booliska ka taageera dhanka la-dagaalanka argagixisadda .

29- .Hay’adaha ammaanka ayaa magaalada Muqdisho ku soo bandhigay hub sharci daro ah iyo raggii ka ganacsanaayey, kadib, hawlgalo amniga lagu sugayo oo ka dhacay Caasimadda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hay’adaha dowladda faray inay shaqadooda ugu badan u weeciyaan gurmadka abaaraha

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday Xarunta gurmadka…

February 4, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖asaaraha XFS 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐫𝐚𝐱𝐚 𝐏𝐫𝐨𝐟. 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐢𝐢𝐟 𝐒𝐚𝐚𝐥𝐚𝐱 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐔𝐦𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

Muqdisho,(SONNA):-  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Caawa ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey…

GudahaWararka
December 14, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukumadda Ingiriiska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska Mudane…

Wararka
December 9, 2020

Wasiirka difaaca XFS iyo ku xigeenkiisa oo maanta hor tagay guddiga difaaca Qaranka ee Aqalka sare BFS

Muqdisho-(SONNA)-Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee BJFS oo gudanaya waajibaadka ka saaran kor joogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda…

GudahaWararka
August 2, 2023

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

asiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa Magaalada Laascaanoon kula kulmay Suldaan Siciid Maxamed…

Gudaha
January 16, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023