Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda
Wararka

Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda

By Sonna Whiteka
Last updated: September 26, 2024
6 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) – 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku adkeeyay shacabka muhiimada midnimada iyo wadajirka, isagoo xusay sida ay dowladda uga go’an tahay fulinta go’aanka xukuumadda ee ku aaddan la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danijirenimo ka guddoomay safiirada dalalka Guinea, Ireland, Romania, Spain, Switzerland iyo Zambia.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Axmed Maxamed Jaamac u magacaabey La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Dimoqraadiyadda iyo Dowlad Wanaagga, halka Cabdisamad Maxamed Gallan loo magaacabey La- Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Federaalka.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Ciidanka Booliska Soomaaliya ku bogaadiyay guulaha ay ka soo hoyeen ilaalinta nabadgelyada dalka.

5- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Amiirka leh dhaxalka dalka boqortooyada Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Hamad Al-Mubarak.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Ambassador Linda Thomas-Greenfield.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York kula kulmay Madaxweynaha Golaha Hoggaanka Jamhuuriyadda Yemen Dr Rashad Maxamed Al – Alimi, iyagoo ka wada hadlay horumarinta nabadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan marinka Badda Cas.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay salaadda janaasada ee lagu dukaday Allaha u naxariistee Marxuum Sheekh Maxamed Sheekh Cabdullaahi Sheekh Ibraahim Baardheere oo dhowaan ku geeriyooday dalka Turkiga.

9- Golaha Wasiirrada oo meel mariyay magacaabista Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi.

10- Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay shixnad hub iyo rasaas ah oo la soo geliyay degaannada Dowlad Goboleedka Puntland, waxaana hubkaas laga keenay dalka Ethiopia.

11- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa qaabbilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u jooga Soomaaliya Mudane, Wang Yu.

12- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa qaabbilay ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Raisedon Zenenga.

13- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS,Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa u kicitimey dalka Imaaraatka Carabta, isagoo kulamo la qaatey Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaran ee Dowladda Imaaraatka Carabta Mudane Saqar Gabaash iyo xubno ka tirsan golahaas.

14- Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada New York kula kulmay Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka Masar iyo Eritrea, Badr Abdelatty iyo Osman Saleh, iyagoo ka wada hadlay xoojinta danaha ka dhaxeeya Somaaliya, Masar iyo Eritrea.

15- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daud Aweis Jama ayaa ka qeybgaley xiritaanka barnaamij lagu tababarey in ka badan 350 qof oo ku saabsanaa jiheynta dagaalka Fikirka ah ee ka dhanka Khawaarijta iyo ka hortaga dacaayadahooda.

16- Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay xakameynta hubka sharci darrada ah, mamnuucidda iibinta hubka iyo qeybinta hubka .

17- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa ka qeyb galay barnaamijka Hooyo u Hiili Qaranka, oo diiradda saaraya doorka haweenka iyo dhalinyarada ee ka hortagga dagaallada sokeeye, iyo taageerada dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al Shabab.

18- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macalim Fiqi ayaa ka qayb galay xafladda furitaanka Golaha Safiirrada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.

19- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa qabatey munaasabad lagu abaal-marinaayey tartameyaasha degmooyinkii kaalimaha hore ka galay tartan cilmiyeedkii bishii Ramadaan

20- Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Mudane Xasan Macalin ayaa Dhuusamareeb uga qeyb galay furitaanka shirka la-tashiga hay’adaha Dowlad Goboleedka Galmudug ee soo-jeedinta wax ka-beddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Ku Meel Gaarka ah.

21- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Mudane Axmed Siciid Maxamed ayaa kulamo la yeeshay madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Socdaalka iyo Hay’adda Aqoonsiga Dadwaynaha ee Denmark.

22- Madaxweynaha Dalka Mareykanka Joe Biden ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Danjire Daahir Xasan (Daahir Carab) oo dhowaan loo magacaabey inuu noqdo safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington D.C. Soomaaliya.

23- Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Jabril Ibraahim Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Dhaqaalaha Buluugga ah iyo Macdanta ee Kenya, Xasan Cali Joho, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha buluugga ah, kalluumeysiga, iyo macdanta.

24- Madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Paris, Mudane Maxamed Cali Nuur oo dhowaan la magacaabay.

25- Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI) ayaa daah-furtay wareeggii labaad ee diiwaangelinta barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho, iyadoo kaashanaysa Hay’adda UNHCR.

26- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo kaashanaysa Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee (ITU) iyo GSMA, ayaa si rasmi ah u daahfurtay kulan heer sare ah oo ku saabsan Fulinta Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta Xaaladaha Deg-degga ah (NETP).

27- Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qeybta Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baraawe ku qabtey dhagar qabe ka tirsan Khawaarijta oo aasayey miino uu doonayay in uu ku dhibaateeyo shacabka.

28- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Mareykanka kulamo kula yeeshay yeeshay hay’adaha Booliska ka taageera dhanka la-dagaalanka argagixisadda .

29- .Hay’adaha ammaanka ayaa magaalada Muqdisho ku soo bandhigay hub sharci daro ah iyo raggii ka ganacsanaayey, kadib, hawlgalo amniga lagu sugayo oo ka dhacay Caasimadda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo ka qeyb galaya shir madaxeedka 22aad ee COMESA

Muqdisho(SONNA):-Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray magaalada Lusaka ee…

GudahaWararka
June 8, 2023

Wasiirka Hawlaha guud XFS oo uu weheliyo Safiirka Soomaliya u fadhiyo Nairobi oo ka qayb galay shir caalami ah

Nairobi(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska & Guriyeynta, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi,Mudane Jibriil…

GudahaWararka
May 29, 2025

Wasiirka Hawlaha guud oo soo xiray kulan ku saabsan qiimaynta Mashruuca Nagaad oo Nairobi lagu qabtay

Nairobi (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Nairobi ku soo xiray…

GudahaWararka
October 29, 2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay geerida Malaaq Xasan Shurre

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud…

Wararka
March 17, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023