Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Akhriso: War-murtiyeedka Wadajirka ah ee Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee dalka Ereteriya “SAWIRRO”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Akhriso: War-murtiyeedka Wadajirka ah ee Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee dalka Ereteriya “SAWIRRO”
Wararka

Akhriso: War-murtiyeedka Wadajirka ah ee Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee dalka Ereteriya “SAWIRRO”

By Sonna Whiteka
Last updated: January 11, 2020
3 Min Read
Share

Asmara (SONNA) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa booqday dalka Ereteriya muddadii u dhexaysay 10-ka ilaa 11-ka bisha Jannaayo ee 2020, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Mudane Isaias Afwerki.

Intii lagu gudajiray booqashada, labada Madaxweyne waxa ay yeesheen wadahadallo qotadheer oo ku aaddan xiriirka labada dhinac iyo arrimaha Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee labada dal.

Labada Madaxweyne waxa ay iyaga oo ku qanacsan isla qireen koboca ballaaran ee ku yimi iskaashiga labada dhinac laga soo bilaabo heshiiskii wadajirka ahaa ee ay kala saxiixdeen bishii July 29, 2018, kaasi oo ku qotomay saaxiibtinnimada iyo Iskaashiga loo dhan yahay.

Labada Madaxweyne waxa ay sidoo kale bogaadiyeen horumarka laga sameeyay iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya, Eriteriya iyo Itoobiya oo ku salaysan Heshiiskoodii Saddex-geesoodka ahaa ee bishii September, 2018.

Labada Madaxweyne waxa ay hoosta ka xarriiqeen in, ka sokoow caqabado iyo dhibaatooyin daba-dheeraaday, xaaladda gobolku ay tahay mid suurtagelinaysa in la helo iskaashi waara oo waxtar leh oo ka dhaca Geeska Afrika.

Madaxweyne Isaias iyo Madaxweyne Maxamed waxa ay mar labaad ballanqaadeen xoojinta dadaalkooda ku aaddan in la dardargeliyo Heshiiska Saddex-geesoodka ah iyo guud ahaan iskaashiga Gobolka.

Xaaladda Soomaaliya, labada Madaxweyne waxa ay bogaadiyeen horumarka la taaban karo ee la gaaray, iyaga oo isla markaana tilmaamay in dib u dhiska buuxa ee Soomaaliya aan weli la gaarin meeshii laga doonayay.

Tani waxa ay ugu horraynta u baahan tahay yagleelidda hay’ado dowladeed oo xooggan isla markaana wax-ku-ool ah sida hay’addaha difaaca iyo amniga, iyo sidoo kale dib u soo noolaynta dhaqaalaha dalka iyo kaabeyaasha bulsho.

Sidaasi si lamid ah, waxa ay isku afgarteen inay labo-laabaan dadaalka lagu xoojinayo madaxbannaanida, nabadgelyada iyo ammaanka Qaran ee Soomaaliya iyo in sare loo qaado horumarka dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya.

Labada Madaxweyne waxa ay dhammaan saaxiibbada Soomaaliya iyo Gobolka ugu baaqeen in ay taageeraan go’aanka Soomaaliya ee ku saabsan qorsheynta arrimaha hortabinta u leh iyo in ay xoojiso hay’adaheeda qaran iyo awooddeeda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi waxa uu Madaxweyne Isaias uga mahadceliyay martisoorkiisa iyo garab istaagga joogtada ah ee Ereteriya la garab joogto Soomaaliya.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taalibaan oo looga digay in ay ugaarsadaan dadkii la soo haqeeyay mareykanka iyo NATO

Warbixin ka timid Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in Taliban ay wadaan baaritaanno lagu sameynayo guryaha oo la doonayo in waxyeello…

Caalamka
August 20, 2021

Ciidanka dawladda oo qabtay rag Qarax ku aasayey wadada Sabiid ee gobolka Shabeelaha hoose

Afgooye (SONNA) Hawlgal gaar ah oo maanta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka…

GudahaWararka
September 5, 2020

Danjire Jabril oo ka qeybgalay heshiis ay Nairobi ku kala saxiixdeen Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Hay’adda Maaliyadda Adduunka

Nairobi (SONNA) - Waxaa maanta heshiis iskaashi ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee dalka Kenya Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) iyo…

GudahaWararka
November 28, 2024

Taliyaha Boliiska oo kulan la qaatay Taliyaasha Hoggaannada iyo Fadhiyada Madaxbannaan ee Ciidanka

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyay kulan deg-deg ah oo ay kasoo qeyb galeen dhammaan…

GudahaWararka
October 20, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023