Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: AKHRISO: TAARIIKH NOLOLEEDKII AUN DANJIRE CIISE DHEERE OO SHALAY KU GEERIYOODAY MUQDISHO
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > AKHRISO: TAARIIKH NOLOLEEDKII AUN DANJIRE CIISE DHEERE OO SHALAY KU GEERIYOODAY MUQDISHO
Wararka

AKHRISO: TAARIIKH NOLOLEEDKII AUN DANJIRE CIISE DHEERE OO SHALAY KU GEERIYOODAY MUQDISHO

By Aadan Sooyaal
Last updated: June 17, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho:(SONNA)-Marxuum Ciise Dheere waxa uu ku dhashay Muqdisho 1942, waxaana  sanadkii 1965 ka qalinjebiyay Machadka Diiniga Alazhar ee Muqdisho, isla waqtigaasi waxa uu ku biirray Machadka Tababarka Macallimiinta, isagoo sanadkii 1968 shaqa macallinimo ka helay Wasaaradda Waxbarashada.

Ambassador Ciise Cali  Maxamed Ciise Dhere waxa uu noqday Agaasimaha Naadiga Macallimiinta, sidoo kale Agaasimaha Barbaarinta iyo Dhaqanka ee Wasaaradda Tacliinta sare xilligii Dowladdii Milatariga.

Marxuumka oo ka qalinjebiyay Kulliyadda Waxbarashada ee Lafoole 1974 ayaa xilal kala duwan ka qabtay dalka, isagoo noqday Madaxa Tababarka Ceel Jaalle, si la mid ah Madaxa Wargeyska Codka Macallinka, waxa uu sanadkii 1986 xubin ka noqday Baarlamaankii ugu horreeyay ee Dowladdii Milatariga ee Kacaankii 21 Oktoobar ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Jaalle , Maxamed Siyaad Barre.

Marxuum Danjire Ciise Cali Maxamed (Ciise Dheere) ayaa safiir ka noqday dalka Tunisia sanadkii 1985 , isagoo sidoo kale ahaa Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya ee xarunta Jaamacadda Carabta oo xilligaasi ahayd caasimadda Tuunis.

Waxa uu sanadkii 1987 noqday Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq., sidookale waxa uu sanadkii 2002 noqday Safiirka Soomaaliya ee Dalka Jabuuti oo muddo bilooyin kooban uu ka shaqaynayay,

Marxuumka ayaa sanadihii 2009 illaa iyo 2016 ka ahaa Madaxtooyada Qaranka “Villa Somalia” Lataliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha ee arrimaha diblomaasiyadda, isagoo la soo shaqeeyay Madaxweyihii dowladi KMG Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihii Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Allah u naxariistee Marxuum Danjire Ciise Cali Maxamed (Ciise Dheere) ayaa ka mid ahaa tan iyo 2013 Guddi sare oo lataliyeyaal ka ah Wasaaradda arimaha  dibada oo ka talo-bixiyaal  arimaha dibada   , ka dib u habaynta Wasaaradda iyo xal u helidda dacwooyinka Safaaradaha, Ergooyinka Joogtada iyo Qunsuliyadaha guud.

Danjire Ciise Dheere oo ahaa bare sare, xeeldheere si mug leh u yaqaanay  Afka Carabiga, diblomaasi sare iyo qoraa xirfad yaqaan ah ayaa ku tilmaannaa dhowrsanaan adinkiisa iyo afkiisa laga nabad galay, dadka iyo dalkana jeclaa ayaa muddo bil ku dhow ku xanuunsanayay Caasimadda Muqdisho ugu dambeyne shalay ayuu ku geeriooday Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ka hortaggu waxa uu ka wanaagsan yahay xallinta dhibaatada (Warbixin) 

Dal dhisan iyo dad isjecel waxaa la helaa marka  qof,qoys ama bulsho ay u istaagaan dhowrista deegaanka iyo ka hortagga…

MaqaalladaWararka
December 5, 2019

Doon sida shixnad isugu jirta gaadiid, shidaal iyo qalabka dhismaha oo gaartay dekada magaalada Hobyo.

Muqdisho (SONNA)- Waxaa maanta ku soo xirtey Dekedda Hobyo Doonni ganacsi oo u rarnayd ganacsato reer Galmudug ah, taasi oo…

Wararka
December 3, 2020

Howlgal miino saarid ah oo ciidanku ka sameeyeen waddada isku xirta Marka iyo Janaale

Howlgalka waxaa laga fuliyay waddada xiriirisa deegaanka Janaale iyo magaalada Marka, halkaas oo maleeshiyaadka argagaxisada ku aaseen miinooyin aad u…

Wararka
April 16, 2020

Gaza:Israa’iil  oo dishay in ka badan 24 ruux oo ay ku jiraan carruur iyo haween

Ciidamada Israa'iil ayaa sii wada  weeraro xagga cirka ah oo todobaadkaan ay ka wadaan deegaanada Gaza, halkaas oo ay ku…

Caalamka
May 11, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023