Tuunis (SONNA): Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Ahmed Saciid Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caasimadda Tuniisiya ee Tuunis uga qayb galay kulan ay isugu yimaadeen madaxda Hay’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee wadamadada ku jira Ururka Jaamacadda Carabta.ย
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray ka hortagga dukumentiyada safarka ee been abuurka ah iyo la dagaalanka socdaalka sharci daradda ah (Tahriibka), iyadoo gabagabadii lagasoo jeediyay talooyin ku habboon sida looga hortagi karo socdaalka sharci darada ah.ย
Shirka ayaa oggolaaday in la abuuro guddi farsamo oo ka shaqeeya diyaarinta hab Digital ah oo lagu wadaago xogta la xirriirta safarka iyo dhaqdhaaaqa muwaadiniita wadamada ku jira Jaamacadda Carabta.