Muqdisho, (SONNA): – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa kulan muhiim ah kula qaatay xafiiskiisa Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, iyadoo Agaasimaha Guud uu uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dhismaha dowladnimada Soomaaliya. Sidoo kale, waxa uu la wadaagay muhiimadda ay leedahay fududeynta adeegyada dal-ku-galka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u socdaalaya Turkiga, wadaagista khibradaha, iyo bixinta tababaro lagu horumarinayo xirfadaha saraakiisha socdaalka Soomaaliyeed.
Danjire Alper Aktaş ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Agaasimaha soo dhoweynta diirran iyo wada hadallada mira dhalka ah, isagoo ballan qaaday in la sii xoojinayo iskaashiga labada dal. Wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha socdaalka ee labada dhinac ay yeeshaan xiriir wada shaqeyn joogto ah si loo horumariyo adeegyada socdaalka.