Oslo(SONNA):-Agaasimaha Guud ee Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya Mudane, Axmed Siciid Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Norway ayaa kulamo wax ku ool ah la qaatay Taliyaha Booliiska Socdaalka ee dalka Norway iyo madax kale oo ka kala socotay Wasaaradda Cadaaladda iyo Amniga iyo Xarunta Aqoonsiga Qaranka Norway.
Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa hayโadaha uu la kulmay waxa uu siiyay warbixino la xiriira horumarka ay HSJ ka samaysay adeegga bixinta Socdaalka iyo Jinsiyadda.
Sidoo kale, waxa laga wada hadlay in sare loo sii qaado isla markaana la joogteeyo wadashaqaynta iyo iskaashiga labada dhinac.