Muqdisho(SONNA):-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa maanta magaalada Muqdisho Tababbar uga furay xubno ka socday Warbaahinta Dowladda Heer federaal iyo heer Dowlad goboleed waxa sidoo kale tababbarkan ka qayb gelaya xubno ka kala socda Xarunta Maaraynta isa soo dhiibayaasha Tubsan iyo Ururka Haweenka.
Tababbarkan ayaa inta uu socdo waxa diirada lagu saarayaa habka loo tebiyo fariimaha ka hor tagga fikradaha xagjirka iyo sida loo loola dagaalamo Fikiradaha Khawaarijta.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo hadal kooban ka jeediyey madashii furitaanka tababbarkan ayaa xusay in tababbarkani yahay mid joogto oo dhowrkii bil ba mar la qabto kana qayb yahay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta ee dalka ka socda.
Xubnaha ka qayb galayaasha ayaa dhankooda soo dhoweeyey tababbarkan iyagoo xusay in wixii ay ka korodhsadaan Bulshada uga faa’iidayn doonaan.