Muqdisho (SONNA) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al Cadaala ayaa maanta daah-furay Barnaamijka Islaamka iyo Nabadda oo ay ka qeyb-galayaan Culumada Soomaaliyeed oo si todobaadle ah uga bixi doono Radio Muqdisho.
Munaasabad kooban oo lagu qabtay istuudiyaha 8aad ee Radio Muqdisho ayaa ugu waxaa ka hadlay Agaasimaha Radio Muqdisho Yaxye Cali Faarax oo tilmaamay in idaacadda lagu soo kordhiyay Barnaamijka Islaamka iyo Nabadda oo noqon doono barnaamij todobaadle ah, loogana hadli doono waxa ay ka qabto shareecada Islaamka Nabadgelyada.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al Cadaala oo daah furay barnaamijka ayaa ugu baaqay culumada Soomaaliyeed inay ka qeybย qaataan barnaamijkan, maamulkana uu soo dhaweynaya doorka culumada uga aadan ka wacyigelinta bulshada fikirka xagjirka ah.
Barnaamijka Islaamka iyo Nabadda ayaa looga hadli doonaa sidii bulshada loo siin lahaa wacyigelin ku aadan ka horgatagga fikirka xagjirnimada ah
ย