Belgrade (SONNA) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Yuusuf Cali Maxamed oo shaqo ku jooga Belgrade, ayaa ka qeyb gelay shirka sanadlaha ah ee Serbia-Africa Integrity. Isagoo kulamo guud mid gaar ahna la yeeshay Madaxda Amniga Dowladda Serbia iyo ka soo qeyb-galayaasha shir-weynaha la magac-baxay Sharafta Serbia iyo Africa.
Shirkan oo sanadkiiba mar la qabo ayaa waxaa kasoo qeyb-galay 51 dal oo dalalka Afrika ah. Shirka waxaa lagu xoojiyaa xiriirka Serbia iyo Qaaradda oo dhisan in ka badan 100 sano.
Fursada ayaa ah mid looga gol leeyahay faa’iidooyin fara-badan oo ay saldhig looga dhigay xoojinta xiriirka Qaaradda iyo dalalka Yurubta Bari oo ay Belgrade xarunta dhaxe u tahay, waxaana lagu casuumaa Madaxda Hey’addaha Amniga ee Qaaradda Afrika.
Soomaaliya waxaa ku matalayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dr. Yuusuf Cali iyo la-taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimaha ayaa mahad balaaran u celiyay Dowladda Serbia marti-gelinta wanaagsan ee ay qaateen Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya.
Agaasime Dr. Yuusuf ayaa u hambaliyeeyay Safaaradda iyo Diblomaasiyiinta ka howl-gala intuba, sida hagar la’aanta ah ee ay qarankoodda ugu shaqeeyaan.