Wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan ayaa sheegtay in gabdhaha loo oggolaan doono inay dhowaan dib ugu laabtaan waxbarashada dugsiyada sare ee dalkaasi.
Qari Saciid Khosty oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa Axaddii warbaahinta u sheegay ย in sidoo kale la ogolaaday in macalimiinta dumarka ah ay iyaguna ku laaban doonaan shaqooyinkoodii macalinimo ee dhanka waxbarasho.
Afhayeenka ayaa tilmaamay ย in waqtiga saxda ah ee la bilaabi doono waxbarashada jaamacadaha,dugsiyada sare iyo kuwa kale ay ku dhawaaqi doonto maamulka wasaaradda waxbarashada.
Sanadkii 1990 โki ayeey aheyd markii, haweenka iyo gabdhaha si sharci ah looga horjoogsaday waxbarashada iyo in ay shaqeeyaan .
Dhanka kale,waxaa jira cadaadis caalami ah oo la doonayo in Taalibaan lagu saaro ogolaanshaha in macalimiinta dumarka ah iyo gabdhaha ay ku laabtaan dugsiyada iyo shaqooyinka kale.