Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhinacyada dagaallamaya ee Afghanistan inay wax badan ka qabtaan badbaadinta dadka rayidka ah, iyagoo ka digay in saameynta aan kala sooca lahayn ee rasaasta iyo duqeymaha cirka ay noqon karaan โmasiiboโ.
Weerarka dhulka ee Taalibaan iyo weerarada cirka ee ciidamada Afgaanistaan ayaa ah kuwa ugu badan ee waxyeeleynaya hawlgalka kaalmaynta Qaramada Midoobay ee dadka reer Afgaanistaan .
Tan iyo markii ay bilaabatay ka bixitaanka ciidamada caalamiga ah ee Afghanistan bishii May, Taalibaan ayaa xoojiyay weeraradeeda, iyagoo guulo waaweyn ka gaaray dhulalka, gaar ahaan miyiga Afghanistan.
Kumanaan qof ayaa barokacay,halka Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ay ku eedeeyeen Daalibaan inay geysteen โdambiyo dagaalโ iyo โxasuuq dad rayid ahโ.