Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay isla markaana ah Kaaliyaha Maamulaha iyo Agaasimaha Waaxda Dhibaatooyinka, Marwo Shoko Noda, ayaa si wadajir ah u shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay arrimaha bani’aadannimada dalka.
Waxaa sidoo kale kulanka ka qeyb galay Lionel Laurens, Madaxa UNDP Soomaaliya, masuuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha (OPM), Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, iyo Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, iyadoo ay wehliyeen wakiillo ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay, aqoonyahanno, iyo ganacsato.
Kulankan oo ahaa mid istiraatiiji ah waxaa diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada ka jawaabista Musiibooyinka, hagaajinta isku-dubbaridka hay’adaha, iyo kor u qaadista adkaysiga bulshada Soomaaliyeed ee la tacaalaysa saameynta isbeddelka cimilada.
