Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Cadaallada iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa xafiiskiisa kula kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr Maryam Qaasim Axmed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Guddiga iyo Wasaaradda, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha. Waxaa si gaar ah looga hadlay xaaladaha maxaabiista, kor u qaadidda ilaalinta xuquuqdooda, iyo horumarinta hannaanka cadaaladeed ee la xiriira carruurta iyo dadka nugul ee la macaamila nidaamka garsoorka.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowliga ah si loo xaqiijiyo in nidaamka cadaaladda uu noqdo mid waafaqsan heerarka qaran iyo kuwa caalami ee xuquuqda aadanaha.
Ugu dambeyn, waxaa la isku raacay in la dardargeliyo wada-shaqeynta labada dhinac, la xoojiyo kormeerka xabsiyada, isla markaana la hirgeliyo barnaamijyo wadajir ah oo diiradda saaraya horumarinta nidaam cadaaladeed oo dhowra karaamada iyo xuquuqda aadanaha.
