Vancouver-Canada โ(SONNA)-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa ka mid noqday 54 guddoomiye oo ka socday xiriirrada kubadda cagta Afrika, kuwaas oo ka qayb galay shir istiraatiiji ah oo heerkiisuย sareeyo.
Shirkan muhiimka ah oo ka dhacay magaalada Vancouver ee dalka Canada, hordhacna u ah Shirweynaha 76-aad eeย FIFA Congress oo dhawaan furmi doona, ayaa waxaa si wadajir ah u hoggaaminayay Madaxweynaha CAF, Patrice Motsepe iyo Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino. Wuxuuna noqday madal hoggaamiyeyaasha kubadda cagta Afrika ay si toos ah ula falgalaan madaxda ugu sarreysa ee kubadda cagta caalamka.
Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda lagu saaray horumarinta qaab dhismeedka kubadda cagta, xoojinta hannaanka maamul wanaagga, iyo ka faaโiidaysiga fursadaha kobaca ee xiriirrada xubnaha ka ah CAF. Arrimahan ayaana qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo lagu doonayo in lagu hormariyo kubadda cagta Afrika.
Ka qaybgalkaย Guddoomiye Cali Shiine ee shirkan muhiimka ah, ayaa muujinaya doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee goโaan-qaadashada kubadda cagta caalamka, iyo dadaallada istiraatiijiga ah ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ugu jiro inuu ka dhex muuqdo hayโadaha CAF iyo FIFA.