Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    April 17, 2026
    Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington
    April 17, 2026
    Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka
    April 17, 2026
    Ergeyga madaxweynaha ee la dagaallanka Xagjirka oo la kulmay xubno ka socday K/ Kuuriya
    April 17, 2026
    Kulanka Ciidanka Boliiska oo looga hadlay amniga iyo qodobbo kale oo muhiim ah
    April 17, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Kulane
Last updated: April 17, 2026
6 Min Read
Share

Muqdisho.SONNA…1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Istanbul kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Antalya ee dalka Turkiga kaga qeybgelaya Madasha Diblomaasiyadda Caalamiga ah.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Taliska Taakuleynta iyo Hoggaanka War isgaarsiinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay xuska sannad guurada 66-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ku beegneyd 12-ka April.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay soo dhoweynta Markabka Cagri Bay oo dhowaan billaabaya qodista shidaalka Soomaaliya.

6- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoomiyey kulanka aan caadiga aheyn ee Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

7- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ugu hambalyeeyey xuska munaasabadda sanadka guurada 66-aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay qaar ka mid ah isimada Puntland oo booqasho ku joogay caasimadda dalka si ay u xoojiyaan isku xirka bulshada iyo dowladoodda.

9- Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa ansixiyay magacaabista Mudane Nuur Maxamuud Sheekh oo loo dalacsiiyay darajada Danjire.

10- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyey magacaabista Agaasimaha Guud ee ee cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, oo loo magacaabay Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa geed ku beeray Xarunta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha , taas oo qeyb ka ah toddobaadka dhir beerista dalka oo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad lagu maamuusayay sannad-guurada 66-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo lagu qabtay Villa Baydhabo.

13- Guddoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow i ayaa magaalada Istanbul ee Turkiga uga qeyb galay kulanka Kooxaha Siyaasadda Afrika iyo Carabta ee ku jira Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU).

14- Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo si adag u cambaaraysay ugana soo horjeesatay xad gudubka Israa’iil oo wakiil diblomaasiyadeed u soo magacowday gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

15- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo shir-guddoomiyay kulankii 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, xili Magaalada Washington DC uu ka soconayo shirka Xiliga Gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka oo sannad waliba la qabto.

16- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee J Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan la qaatay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Mudane Hu Changchun.

17- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo u diray guud ahaan farshaxan-yahannada Soomaaliyeed munaasabadda 15-ka Abril oo ku began Maalinta Farshaxanka Adduunka.

18- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan la yeeshay Sii-Hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Justin Davis, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal.

19- Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, oo uu wehliyo Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa xarunta Wasaaradda Warfaafinta, ka sameeyay geed beeris qayb ka ah Toddobaadka Dhir-beerista Qaranka Soomaaliyeed.

20- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa si rasmi ah u gudbisay nuqulka Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta, kaasi oo ay Soomaaliya horey u meel marisay.

21- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Amniga Jubbaland, ayaa dilay 17 ka tirsan argagaxisada Al-Shabab kadib hawlgal ballaaran oo ka dhacay Gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

22- Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa kormeer shaqo iyo dhiirrigelin ugu tagay geesiyaasha ciidanka ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose.

23- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf ayaa ka qeybgaley kulan lagu soo bandhigay Barnaamijka Farshaxanka Soomaaliya ee (Somalia National Pavilion).

24- Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka iyo Maxkamadda Xisaabaadka Turkiga ayaa si wadajir ah magaalada Ankara ee dalka Turkiga uga furay tababar aqoon is-weydaarsi ah oo ku saabsan baarista u hoggaansanaanta sharciga.

25- Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeeshay Diblomaasiyiinta caalamka ee ka hawlgala Soomaaliya.

26- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Ilham Aliyev.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho.SONNA…1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Istanbul kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep…

April 17, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shir ku saabsan amniga Qaranka oo Muqdisho ka furmay+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo ay wehelinayeen Wasiirrada Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen…

GudahaWararka
December 8, 2021

Afhayeenka Gaashaandhigga oo ka warbixiyay howlgallo Ciidamada Qaranka ku dileen xubno katirsan khawaarijta

Muqdisho(SONNA:-Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Sheekh Abuukar Macalin, ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha Xaq…

GudahaWararka
July 20, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka…

GudahaWararka
February 19, 2026

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka oo magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga

Muqdisho,(SONNNA):- Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Mudane Burhan Aadan Cumar ayaa Xoghayaha Guud ee Guddiga Madaxabannaan ee…

GudahaWararka
September 14, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023