Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xildhibaan Maxamed Keerow iyo Xildhibaan Maryan Macalin oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Mudane Cabdulaahi Cali Watiin oo maanta Dalka dib ugu soo laabtay.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha maamulka Degmada Baydhabo, gaar ahaan dhinacyada amniga, adeegyada bulshada, iyo horumarinta bilicda magaalada. Hoggaamiye Jabriil ayaa faray Guddoomiyaha Degmada Baydhabo inuu laba jibbaaro dadaallada lagu xoojinayo maamulka iyo adeegyada muhiimka u ah shacabka.
Xildhibaannadii ka qeyb galay kulanka ayaa iyaguna adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn buuxda oo dhex marta hay’adaha kala duwan ee dowladda, si loo xaqiijiyo horumar waara oo ka hirgala degmada.