Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Xulka K/Cagta Qaranka oo caawa la ciyaaraya dhiggooda Mauritius
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xulka K/Cagta Qaranka oo caawa la ciyaaraya dhiggooda Mauritius
Gudaha

Xulka K/Cagta Qaranka oo caawa la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

By Kulane
Last updated: March 31, 2026
2 Min Read
Share

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah ee tartanka Qaramada Afrika 2027 la ciyaaraya dhiggooda Mauritius.

Ciyaartan oo ah lugta labaad ee is-aragga labada xul ayaa ka dhici doonta garoonka Côte d’Or National Sports Complex. Labada xul kulankoodii koowaad oo lagu ciyaaray magaalada Maputo ee dalka Mozambique ayaa kusoo dhammaaday 0–0, waxaana mid walba uu rajo ka qabaa inuu guuleysto si uu ugu soo baxo wareegga xiga ee isreeb-reebka tartanka Qaramada Afrika 2027.

Xulka Mauritius ayaa wajahaya cadaadis weyn, maadaama aysan wax guul ah gaarin 10-kii kulan ee ugu dambeeyay dhammaan tartamada. Qaab ciyaareedkooda liita ayaana walaac ku haya taageerayaashooda.

Dhanka kale, xulka Soomaaliya (Ocean Stars) oo uu hoggaamiyo tababare Yuusuf Cali Nuur “Yuu Cali” ayaa muujiyay horumar iyo qaab ciyaareed wanaagsan, waxayna haystaan laba guul shantii kulan ee ugu dambeysay, taasoo siinaysa rajo wanaagsan oo ay ugu gudbi karaan wareegga xiga.

Si kastaba, kulankan waa mid si buuxda u furan. Labada xul kii guuleysta ayaa u soo bixi doona wareegga xiga ee isreeb-reebka AFCON 2027. Haddii kulanku ku dhammaado barbaro, waxaa lagu dari doonaa waqti dheeri ah, haddii ay kala bixi waayaanna waxaa lagu kala saari doonaa gool-kulaad.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, iyo dhammaan mucaashiqiinta kubadda cagta Soomaaliya ayaa guul u rajeeyay xulkeenna oo ay matalayaan xiddigo tayo leh oo laga soo kala xulay gudaha dalka iyo dibadda.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay hoggaanka rugta ganacsiga iyo warshadaha Qatar

Doxa-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka duulaya ahmiyadda uu dalka u leeyahay maalgashiga shisheeye,…

GudahaWararka
September 6, 2023

Guddiga Arimaha Dibadda Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan muhiim ah la qaatay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Muqdisho.SONNA… Xoghayaha Gudigda Arimaha dibadda Iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Sayid Cali  Isaaq…

Gudaha
November 8, 2024

Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka oo tababar loogu soo xiray magaalada Kismaayo

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka…

GudahaWararka
July 3, 2023

Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir oo la hor keenay Saraakiil loo haysto musuq maasuq

Muqdisho(SONNA):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay Dacwad loo haysto saraakiil loo haysto Eedaymo Musuq maasuq, Saraakiishan ayaa hore…

GudahaWararka
March 17, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023