Muqdisho, Jimco, 27-ka Maarso, 20261- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90 maalmood gudahood ah u fidiyey dhallinyarada ay qaldeen kooxaha Khawaarijta, isagoo balan qaaday in Dowladdu ay dhallinyaradaas u abuureyso mustaqbal ay uga qeyb qaataan horumarka dalkooda.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Faarax Siyaad oo ka mid ahaa haldoorka ganacsatada Soomaaliyeed.
3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilalkii ka qaaday Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Ismaaciil Shire Jaamac iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Asad Cabdirisaaq Maxamed.
4- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa, uga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo la-dagaallanka kooxaha argagaxisada, iyada oo la bogaadiyey howlgalladii ugu dambeeyay ee ay sameeyeen Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
5- Golaha Wasiirrada oo ansixiyey magaacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya Sarreeeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
6- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Sheikh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ee deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
7- Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale, ayaa ka qeyb galay tacsida marxuum ganacsade Maxamed Faarax Siyaad oo dhowaan ku geeriyooday magaalada Qaahira ee dalka Masar.
8- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamada Uganda ee AUSSOM, ayaa dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, markii argagixisadu ay isku dayeen inay weerar ku soo qaadaan deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
9- Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiistinta ayaa si rasmi ah ugu wargelisay shacabka Soomaaliyeed in dalku uu galayo marxalad doorasho loo dhan yahay, daahfuran, saldhigeeduna yahay shuruucda dalka.
10- Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa maamul cusub u magacawday degmooyinka Xuddur iyo Waajid ee Gobolka Bakool.
11- Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo dhidibada u aasaya hannaan wadatashi siyaasadeed oo joogto ah.
12- Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Ilyaas Sheekh Cumar oo uu wehliyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan ayaa booqday xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
13- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa isbitaalka ku booqdaya askartii kusoo dhaawacmay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, kuwaas oo lagu dabiibayo magaalada Muqdisho.
14- Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay mas’uuliyiin ka socday Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).
15- Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kormeeray Xerada Tababarka Ciidamada Xoogga Dalka ee Gobolka Bakool.
16- Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u magacowday dalka Finland ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha Finland.
17- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo kulan la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee Afrika, Major General Claude K. Tudor.
18- Ciidanka Xoogga Dalka oo isku furey waddada xiriirisa deegaanka Mubaarak iyo degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
19- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ayaa hawlgal ka fuliyay deegaanno hoos yimaada War Ciise oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka Khawaarijta.
20- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa hawlgallo sifeyn ah ka wada deegaannada ku teedsan xeebaha Gobolka Shabeellaha Hoose.
21- Guddiga Gurmadka Abaaraha ee gobolka Hiiraan ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah la la soo gaaro dadka ay abaaruhu saameeyeen.
22- Xulka Qaranka ee Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa magaalada Maputo ee dalka Mozambique kula cayaari doono dhiggooda dalka Mauritius isreeb-reebka tartanka AFCON 2027.
23- Kulan looga hadlayay ka hortagga colaadaha kusoo noqnoqday Gobolka Mudug ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.
24- Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa Muqdisho ku qabatay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Afka.