Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ,iyagoo galabta kulan muhiim ah 4:00 PM xilliga Geeska Afrika la ciyaari doonaan dhiggooda Mauritius,
Tababare Yuusuf Cali Nuur oo ah macalinta kooxda ayaa xulka qaranka u rajeeyay guul maadaama ay ku jiraan diyaargarowgii ugu dambeeyay,wuxuuna ku booriyay in ay muujiyaan feejignaan, kalsooni iyo dadaal dheeri ah si ay u gaaraan natiijo wanaagsan oo ay ku farxaan dadka Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ahna Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed iyo dhammaan bulshada ku xiran kubadda cagta ayaa guul u rajeeyay xulka qaranka oo laga soo kala xulay gudaha Dalka iyo Dibadda.
Kulanka galabta ayaa ah lugta koowaad ee ciyaaraha hordhaca ah ee isreeb-reebka tartanka Qaramada Afrika ee 2027.