Muqdisho.SONNA…Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo saraakiil ka tirsan cidanka ayaa booqasho ugu tegay askartii kusoo dhaawacantay dagaalada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.
Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa kulan uu la yeeshay saraakiisha caafimaadka ,waxa uu halkaasi kaga dhageystay warbixinno la xiriiray xaaladaha bukaanada ee ku jira cisbitaalka iyo sida hagar la’aanta ah ee loo dabiibayo askarta dowladda.
Booqashada taliyaha ayaa ku saabsaneyd niyad dhiska ciidamada geesiyada ah ee dhiigooda u huray sidii dalka looga xoreyn lahaa Khawaarijta caadeysatay daadinta dhiigga shacabka.