Jabuuti.SONNA….Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo uu la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
Kulankan ayaa looga hadlay xoojiyey iskaashiga wadajirka ah ee saddexda dal, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray amniga gobolka, la dagaallanka argagixisada, dadaalada Soomaaliya ee dimuqraadiyeynta, xasilloonida Geeska Afrika iyo horumarinta iskaashiga.
Sidoo kale, Madaxda ayaa dul istaagay fursadaha lagu horumarin karo maalgashiga, isu-socodka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, si loo xoojiyo isdhexgalka iyo horumarka dalalka gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti martigelinta kulankaasi, isaga oo qiray muhiimadda ay leedahay sii joogteynta wada-tashiyada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga dalalka gobolka.
