Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta
    April 22, 2026
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka
GudahaWararka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

By SB
Last updated: February 21, 2026
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo oo laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka, isaga oo sheegay in isbeddel dhab ah lagu sameeyay nidaamka waxbarashada muddo ka yar 45 bilood

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in waxbarashada tayadeeda sare loo qaadayo ay ahayd hadaf qaran oo saldhig u ah horumarka, sharafka iyo mustaqbalka dalka, Wuxuu tilmaamay in ballanqaadyadii hore loo beddelay waxqabad muuqda iyo natiijooyin la taaban karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in markii ay xafiiska la wareegeen ay jireen 900 macalin oo keliya oo ku diiwaangashanaa shaqaalaha dowladda ee mushaariga ah, halka wax ka yar afar carruur ah midkood uu dugsi dhiganayay, Wuxuu caddeeyay in xaaladdaasi si weyn isu beddeshay hadda.

Muddo laba sano ku dhow, ayuu sheegay in la shaqaaleysiiyay 6,000 macalin oo leh tababar ku filan, kuwaas oo loo kala diray guud ahaan dalka, laga bilaabo magaalooyinka waaweyn ilaa tuulooyinka fogfog, Tirada macallimiinta ayaa la qorsheynayaa in dhawaan la gaarsiiyo 10,000, halka bartilmaameedku yahay 12,000 dhammaadka sannadka 2026.

Sidoo kale, markii ugu horreysay taariikhda dhow, mushaarka macallimiinta ayaa gebi ahaanba laga bixiyaa dakhliga gudaha ee dowladda, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid ka tarjumeysa isku filnaansho iyo maalgashi qaran oo lagu dhisayo mustaqbalka dalka.

Dhanka tacliinta sare, ku dhowaad 250,000 Arday oo qalinjabisay iyo 200,000 Arday oo hadda waxbarashada ku jira ayaa ka diiwaangashan nidaamka tacliinta sare, Tirada Ardayda u fariisatay imtixaanka dugsiyada sare ayaa kor uga kacday 7,000 ilaa 39,000 Arday, iyadoo markii ugu horreysay muddo 30 sano ah imtixaan qaran lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qiray in dalka uu weli u baahan yahay ku dhowaad 120,000 macalin si loo daboolo baahida waxbarasho ee carruurta Soomaaliyeed, balse wuxuu adkeeyay in la xaqiijiyay in isbeddel dhab ah la sameyn karo, nidaamyadana dib loo dhisi karo.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in ilmo kasta oo Soomaaliyeed, meel kasta oo uu joogo, uu helo fursad waxbarasho oo tayo leh, si loo xaqiijiyo qaran dib u soo kabtay oo mustaqbalkiisa si kalsooni leh u hoggaaminaya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo mar kale Xaqiijisay Taageeradeeda Midnimada Carabta

Muqdisho 22 Abriil 2026: —Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda…

April 22, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo midowga Yurub oo ka wada hadlay xal u helidda dadka ku barakacay dalka

Nairobi-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi, ayaa kulan la qaatay Madaxa u Adkeysiga Afooyinka ee Midowga Yurub,…

GudahaWararka
September 17, 2025

Wasiirka Caafimaadka oo xilka u kala warejiyay Agaasimaha cusub ee isbitaal Banaadir iyo Agaasimihii hore

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka…

GudahaWararka
November 16, 2025

Madaxweynaha JFS iyo wafdi la socda ayaa gaaray dalka Rwanda

MUQDISHO-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeybgelaya caleema-saarka Madaxweynaha Dalkaas Mudane Paul…

GudahaWararka
August 11, 2024

Israa’iil oo Magaalada Nablus ku dilay 3 falastiiniyiin ah

Ciidamada Israa’iil ayaa dilay ugu yaraan saddex falastiiniyiin ah, afar kalena waa ay dhaawaceen ,kadib weerar ay ka fuliyeen magaalada…

Caalamka
May 4, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023