Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š, ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข๐œ๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š
    February 7, 2026
    Mudanayaasha labada aqal ee BJFS oo ka dooday cutubka afraad wax ka bedelka Dastuurka KMG ah
    February 7, 2026
    Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay sii hayaha safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya
    February 7, 2026
    Daah furka xeerka shaqada Soomaaliyeed oo Muqdisho ka socda
    February 7, 2026
    wasiir kuxigeenka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo munaasabad soo dhoweyn ah xalay loogu sameeyey London
    February 7, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Waa Masโ€™uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay sii hayaha safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay sii hayaha safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya
GudahaWararka

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay sii hayaha safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya

By SB
Last updated: February 7, 2026
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la qaatay Sii-hayaha Safiirka Dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Justin Davis, waxa ayna ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labo-geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo la-dagaallanka argagixisada oo dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ay ka gaartay guulo wax-ku-ool ah.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa warbixin ka siiyey Danjiraha horumarrada laga gaaray amniga dalka, dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah iyo dadaallada Xukuumadda ee lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyay cadowga, isaga oo xusay, kana mahadceliyay in taageerada Dowladda Maraykanka iyo doorka muhiim ah ee ay ka qaadatay tababbarka, qalabeynta iyo xirfadaynta ciidamada Qaranka.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa is-dultaagay muhiimadda weyn ee dowladda u leedahay in xoogaha xagjirka ah laga saaro dhul beereedka si dalka u gaaro isku filnaansho dhanka maalgashiga iyo cunnada ah.

Dhankiisa, Sii-hayaha Safiirka Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa bogaadiyey guulaha is-daba-joogga ah ee ay gaartay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda iyo doorashooyinka dadweynaha, isaga oo xaqiijiyay in dowladda Maraykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee dhinacyada amniga, taakulaynta ciidamada iyo gargaarka biniโ€™aadantinimo oo xilligan ay dowladda Soomaaliya dadaal ugu jirto sidii gurmad loo gaarsiin lahaa bulshada ay saamaysay.

Danjire Justin ayaa ku adkeyay in dowladda Maraykanka si buuxda u taageersantahay midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii kulanka ayaa si qoto-dheer loogu wada-hadlay xaaladaha biniโ€™aadannimo ee dalka ka taagan iyo sidii samofal loo gaarsiin lahaa malaayiinta qof ee ay abaaraha saameeyeen, iyada oo uu Raโ€™iisul Wasaare Xamsa, ka dhowaajiyay in Xukuumadda DanQaran, ay hirgalisay qorshe ballaaran oo isku tashi shacab iyo dowlad ah oo bulshada lagu garab-istaagayo, iyada oo saaxiibada caalamka oo uu Maraykanka ugu horeeyana looga baahanyahay in ay gacan ka gaystaan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š, ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข๐œ๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

Muqdisho,(SONNA):- Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga…

February 7, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Laftagareenโ€ Madaxda dalka waxa ay sameeyeen isutanaasulโ€

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in uu dhamaaday kala ragtid uwanaantii u dhaxeeysay Madaxweyne…

Gudaha
January 7, 2023

Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha oo ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay maalgashtaan dalkooda

Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta booqasho ku tagay Warshadda Cocacola oo…

GudahaWararka
November 13, 2023

Howlgal ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyay gobollada Baay & Bakool

Muqdisho (SONNA):- Howlgal Qorshaysan oo ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed Gaar ahan Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ayaa laga Fuliyey deegaano…

GudahaWararka
February 29, 2024

Wasiirka Warfaafinta oo tababbar u furay xubno ka mid ah hawl-wadeenada warbaahinta Qaranka

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho Tababbar uga furay xubno ka socday warbaahinta…

GudahaWararka
June 12, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023