Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay Masuuliyiinta la doortay ee Guddiga madaxa-banaan ee xuquuqul Insaanka Qaranka
    February 4, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
    February 4, 2026
    Doorashada Guddoonka Guddiga xuquuqul Insaanka oo soo dhamaatay Guddoon cusub na dooratay
    February 4, 2026
    Ra’iisul wasaaraha XFS oo ka qayb galay munaasabada xilwareejinta Taliyaha Ciidanka Xoogga
    February 4, 2026
    Dr Maryan Qaasin oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga xuquuqul Insaanka
    February 4, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
GudahaWararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

By SB
Last updated: February 4, 2026
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyihii hore, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage.

Ra’iisul Wasaaraha oo hambalyo u diray Taliyaha cusub, ayaa xusay in looga baahan yahay ciidan leh hufnaan, anshax iyo dhaqan wanaagsan, si ay hormuud ugu noqdaan bulshada, una gutaan waajibaadkooda Qaran ee difaaca dalka.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Ciidanka Qaranka ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta, iyaga oo ka xoreeyey deegaanno badan oo ay gacanta ku hayeen, isla markaana cadowga u diiday jiif iyo nasasho, waxa uuna intaas raaciyey in dhawaan si buuxda looga ciribtiri doono dalka.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in argagixisadu ay gabaad ka dhigteen dhul ballaaran oo leh kheyraad kala duwan, si ay u curyaamiyaan wax-soo-saarka dalka, gaar ahaan deegaannada leh wabiyada iyo beeraha.

“Meesha aan taaganahay waa meel lagu ilaaliyo calanka Qaranka Soomaaliyeed, waana astaan sharaf iyo masuuliyad gaar ah leh. Haddii cadowga laga xorayn dalkeenna, horumar lama gaarayo, sidaas darteed, mudnaanta koowaad waa xoreynta deeggaannada ay ku sugan yihiin kooxaha Khawaarijta ah.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in xuquuqda iyo daryeelka ciidamada ay kaalin muhiim ah kaga jiraan qorshaha Xukuumadda DanQaran, isaga oo tilmaamay in miisaaniyadda dowladda qaybta ugu badan lagu bixiyo sugidda amniga iyo nabadgelyada dalka.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey Taliyihii hore shaqadii mugga lahayd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayey, isaga oo kula dardaarmay Taliyaha cusub in uu sii ambaqaado dadaallada lagu horumarinayo ciidanka.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay Masuuliyiinta la doortay ee Guddiga madaxa-banaan ee xuquuqul Insaanka Qaranka

Muqdisho(SONNNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub…

February 4, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha JFS oo kormeeray Xarunta Tababarka Ciidamada Taliska 60-aad ee Baydhabo

Muqqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray Xarunta Tababarka Ciidamada Taliska 60-aad ee Xoogga dalka ee…

GudahaWararka
January 22, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey shirka madaxweynahaasha dalalka bariga Afrika 

Caruusha (SONNA): Madaxweynaha Jambuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey Shir-madaxeedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika…

GudahaWararka
November 30, 2024

Puntland oo war kasoo saartay sugidda amniga iyo ka hortagga Cudurka Coronavirus

Garoowe-(SONNA)-Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa muddo 15 Cisho ah lagu hakiyay Gaadiidka Basaska ah ee ka…

Wararka
March 30, 2020

Hooganka Taliska 5-Aad Ee Ciidanka Xooga Dalka Oo Maanta Si Rasmi Ah Xilka Ula Wareegay

Muqdisho:(SONNA)-Taliyaha cusub ee guutada 5-aad Qeybta 27-aad ee Ciidanka xoogga dalka Korneel Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay  iyo Abaanduulaha guutada Cabdullahi…

Wararka
August 25, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023