Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Raโiisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sidoo kale soo gaaray Jigjiga.
Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa qeyb ka ah Raโiisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Jaamac iyo masuuliyiin kale, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mudane Mustafe Cumar ayaa hoggaaminaya soo dhaweynta bulshada deegaanka.
