Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala ayaa safar shaqo ku tagay magaalada London ee dalka Ingriiska.
Wafdiga ayaa garoonka diyaaraha Heathrow Airport waxaa ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK, Wariyaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Wasiir Al Cadaala ayaa London u tagay in uu halkaas kaga qeybgalo shirar muhiim ah maalmaha soo aadan.