Muqdisho(SONNA):-Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyay Shirkii Wadatashiga Qaran ee ka-jawaabista xaaladda degdegga ah ee abaarah, kaas oo ay ka qayb qaateen hay’adaha dowladda iyo ururrada haweenka u dooda xuquuqda. Shirku wuxuu diiradda saaray saameynta abaarta ku yeelatay haweenka, carruurta, iyo bulshooyinka nugul, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ka-jawaabista bani’aadannimo ee ku saleysan xog, caddaalad, iyo baahiyaha dhabta ah ee dadka ay dhibaatadu saameysay.
𝐃𝐫. 𝐈𝐬𝐦𝐚𝐚𝐜𝐢𝐢𝐥 𝐉𝐢𝐦𝐜𝐚𝐚𝐥𝐞, Madaxa Mashaariicda SoDMA, oo shirka soo xiray, ayaa sheegay in lagu heshiiyay Sedex qodob si Haweenku qeyb uga noqdaan Howlaha Gurmadka:
1. In dhammaan aragtiyadii ururrada haweenka la mideeyay si ay qeyb uga noqdaan qorshaha badbaadinta dadka ay abaartu saameysay.
2. In ururrada haweenka la mideeyo si ay u yeeshaan hal hoggaan oo ka qeyb qaata samatabixinta dadka Soomaaliyeed.
3. In haweenka Soomaaliyeed codkooda gaarsiiyaan meel dheer si loo hubiyo in gargaar loo fidiyo dadka nololshoodu halis ku jirto.
