Muqdisho(SONNA):-Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir, ayaa maanta Dekedda Weyn ee Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdi ka socday Midowga Yurub, oo ay hoggaaminaysay Danjiraha Midowga Yurub u fadhisa Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro.
Kulankaan waxaa qeyb ka ahaa Maareeye ku-xigeennada Dekedda Muqdisho Dr. Cali Xaaji iyo Cabdullaahi Kaarshe, waxaana looga wada hadlay horumarinta dekaddaha, kaalinta Midowga Yurub ee taageeridda qorshaha dowladda ee horumarinta iyo ballaarinta Dekedda Muqdisho, iyo sidoo kale badqabka iyo nabadgelyada badda.
Sidoo kale waxa ay kormeer ku tageen wafdigaan qeybaha Dekadda Caasimadda, iyagoo u kuurgalay howlaha baaxada leh ee ka socda Dekadda.
