Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo dhowaan safar shaqo ku gaaray Dalka Sacuudi Carabiya ayaa heshiis ku saabsan horumarinta arrimaha islaamk kula saxiixday magaalada Jeddah dhiggiisa Wasiirka Awqaafta, Arrimaha islaamka, Dacwada iyo Hanuuninta ee Dalka Boqoortooyada Sacuudi Carabiya Dr. Cabdiladhiif Ibnu Cabdulcasiis Aala Sheekh.
Heshiiskan ay qalinka ku duugeen labada wasiir ee Dalalka Soomaaliaya iyo Sacuudi Carabiya ayaa socon doono muddo seddex sano ah 2026 – 2028, waxeyna labada dhinac iska kaashan doonaan xoojinta iyo dardar gelinta Arrimaha Islaamka,
Gaar ahaan, horumarinta arrimaha Awqaafta, tababaradda imaamyada iyo khadiibyada Masaajida oo la siinayo koorsooyin karaan dhis ah oo lagu baranayo sida looga hortago afkaaraha xagjirmimada, ka qeyb galka madallada aqoon isweydaarsiga islaamka, shirarka caalamiga iyo tartamada xifdinta Quraanka kariimka.
