Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Siyaasadda iyo Iskaashiga Istiraatiijiga ee Hay’adda ECH, Marwo Hanna Jans, oo booqasho rasmi ah ku timid Soomaaliya.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray mudnaanta iyo istiraatiijiyadda Dowladda Soomaaliya ee la xiriirta abaarta, baahiyaha bani’aadannimo, iyo xoojinta ka-jawaabista masiibooyinka.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay Hindisaha Dib-u-habeynta Gargaarka Caalamiga ah (Global Humanitarian Reset) iyo sida SoDMA ay uga qayb qaadan karto xoojinta jawaabta bani’aadannimo ee dalka.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin ayaa bogaadiyay dadaallada ECHO Somalia, isaga oo adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta iyo ka-jawaabista degdegga ah ee masiibooyinka, si loo badbaadiyo nolosha dadka nugul.
